Tirada ragan ka soo jeeda beelaha Jareerweyne ee dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay soo bandhigeen ayaa waxaa lagu sheegay 242-qof kuwaasi oo dhawaan laga soo qaaday Gobalka Shabeelaha Dhexe.
Saraakiisha ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay ku sheegeen in ragaasi ay yihiin rag ka difaacayay Tuulooyinkooda iyo Beerahooda Ururka Al-Shabaab, imankana ay u suuro gashay in ay fursad Tababar Ciidam ka helaan AMISOM islamarkaana ay kusoo biiray dhanka dowladda Soomaaliya.
Goobta ragani lagu soo bandhigaye ayaa waxa ay aheyd xerada Maslax ee Magaalada Muqdisho waxaana halkaasi ku sugnaa masuuliyiin ka socotay xukuumada waqtigeeda uu dhamaaday iyo saraakiil AMISOM ah.
Wasiirka Wasaarada Difaaca Xukuumadda waqtigeeda uu dhamaaday Xuseen Carab Ciise oo goobta ragaasi lagu soo bandhigaye ka hadlay ayaa wuxuu soo dhaweeyay in tababar loo furo raga kasoo tagay Tuulooyinka Gobalka Shabeelaha Dhexe.
Sidoo kale isna waxaa halkaasi ka hadlay xiriiriyaha isku xirka Wiilasha iyo AMISOM Yaxye Faysal Cabdulle Cali kaasi oo sharaxaya sababta ka dambeysa inay soo aadaan Xeryaha ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo u fidiyay Fursad tababar Ciidam ay kaga holw gali doonaan difaaca dalka gaar ahaan deegaanada ay ka dagan yihiin Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in Al-Shabaab dhibaatada ay ku dhaqmaan awgeed ay udulqaadan waayeen dabadeedna ay go’aansadeen in ay ka mid noqdaan ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya.
Saraakiisha AMISOM ayaa dhankooda sheegay in raga ku soo biiray ay wateen qoryo gaaraya 82-qori AK47 ah hal biskoolad iyo sidoo kale bambada gacanta laga tuuro iyaga oo sheegay in ragaasi ay kasoo kaxeeyeen deegaan lagu magacaabo Garsaale oo ka tirsan Gobalka Shabeelaha Dhexe.
Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM waa markii ugu horeysay inta ay ku sugnaayeen Soomaaliya u damaanad qaadaan Tababar Ciidam 250 Wiil oo ka soo jeeda beelaha Jareerweyne ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Way fiicantahay in ay tababar militeri oo rasmi ah haddii la siinaayo, oo la oqoonsanyahay oo ay degaannadooda ku difaacdan. Waxaan leenahay ka faaiideysta Tababarkaan ay Dowladda Soomaaliya idiin fidisay.