Hey’adda FPENS oo xaflad sagootin ah u sameeysay arday deeq waxbarasho ka heshay dalka Sudan

jiinka September 7, 2017 Comments Off
Hey’adda FPENS oo xaflad sagootin ah u sameeysay arday deeq waxbarasho ka heshay dalka Sudan

hey’adda FPENS ee waxbarashada Soomaaliyeed ayaa maanta xaflad sagootin u qabatay arday ka heshay deeq waxbarasho  jaamacadda Afriiqiya al-Caalamiyah ee dalka Suudaan waxaana munaasabad  loogu qabtay  xarunta dhexe ee FPENS magaaladda Muqdisho.

Xaflada sagootinta 12 arday ayaa aheyd deeq waxbarasho oo ay iska kaashadeen wasaaradda waxbarashadda , safaarada sudan iyo masuuliyiin dalada ahliga ah ee FPENS Soomaalya. waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin kala gedisan oo ka socday Wasaaradda waxbarashadda  agaasimaha guud Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusman, Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada  Agaasimaha Xiriirka Guud mudane C/Rashiid C/Laahi Xeydar, safaarada dalka sudan ee Soomaaliya qunsul Cabdiraxiim Taajud Diin Zeen, gudoomiyaha hey’adda  FPENS Mudane C/Qaadir Axmed Kadle , waalidiinta ardayda sagootinta loo sameynayay iyo marti sharaf kale.

Agaasimaha fulinta FPENS Mudane C/Raxman Cumar Sheekh  oo ugu horeentii ka hadlay xaflada ayaa u mahad celiyay dhammaan ka soo qeebgalayaasha soo xaadirtay xaflada waxuuna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in ay dib usoo celiyaan xiriirkii u dhaxeyn jiray FPENS iyo jaamacadda Afriiqiya al-Caalamiyah ee dalka Suudaan waxuuna yiri

“waxaan booqanay dalka suudan , waxaan heshiis lasoogalnay jaamacaddaha dalka sudan waxayna inoo balan qaadeen in ay na siinayaan deeq waxbarasho ay gaar u leedahay hey’adda FPENS.

Heshiiskaas ayaa suuro-geliyay in dufcadii u horeysay ardayda ay maalinta Sabtida ee taariikh 11/9/2017 dalka ka dhoofi doonaan Ardayda,  waana talaabadii ugu horeysan oo ay inoo soo diraan kadib markii mudo aan ka helin deeq waxbarasho ay maamuleysa he’adda FPENS”.

Waalidiinta iyo Ardayda oo farxad ka muuqatay wajiyadooda ayaa mid ka mid ah ardayda si qiiro leh uga hadlay cilmiga ay u doonanayaan  dalka sudan wuxuuna u mahad ciliyay masuuliyiinta hey’adda FPENS maclimiintii iyo waalidiintii soo bar baarisay.

Sayid Cali Xuseen Macalin Shariif  oo ah madaxa xafiiska Munazzamatu  al-Dawa al-Islamiyya ee magaaladda Muqdisho kana tirsan aas aasayaasha heyadda FPENS  oo ereyo ka jeediyay madasha Xaflada  Sagootinta ayaa kula dar daarmay ardayda in ay ka faa’ideeystaan Fursadda Waxbarasho oo ay ka heleen dalka Suudaan islamarkaana aysan ka mid noqon dhalinyarada xagga tahriibka u weecda taasi oo saameeyn xoog leh ku yeelata mustabalka dhalinyarada Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Ismaaciil Yuusuf Cismaan ayaa u mahadceliyay maamulka Heyadda FPENS  dadaalka ay ku bixiyeen ardaydan, isaga oo kula taliyay in ay sii labo laabaan dadaalkooda.

Agaasimaha waxa uu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay in Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ay mar walba u taagantahay sidii ay deeq waxbarasho uga helilahaayee  Jaamacadaha faca weyn ee ka dhisan Dalka Suudaan, waxuuna si gaar ah ugu mahad celinyay  Qunsulka safaarada Suudaan ee ku sugan dalka Soomaaliya.

gudoomiyaha hey’adda  FPENS Mudane C/Qaadir Axmed Kadle  oo la hadlayay ardayda la sagootinayay ayaa kula dar daarmay ardayda in aysan qasaarin waxbarashada la siiyay islamarkaan ay xaqiijiyaan dhameystirka waxbarashada loogu yaboohay waxaana kuliyadaha la siiya ka mid ah kuliyadaha Caafimaadka, Injineerinka, Beeraha iyo Barashada Cilmiga maamulka. ” waxaa tihiin ardaydiin nasiibka u yeelatay oo sita magaca  Ardayga  soomaaliya waa in aad sharafta dalkiina iyo dadkiina dhowrtaan” sidaana waxaa yiri gudoomiye C/Qaadir Axmed Kadle .

  Qunsulka Safaaradda Suudaan ee Soomaaliya Cabdiraxiim Taajud Diin Zeen oo isagana goobta ka hadlay ayaa yiri. “Safaarda Sudan ee Soomaaliya iyo Jaamacada  Caalamiga ah ee Afrika, waxaa ka dhexeeya xiriir qoto dheer iyo iskaashi muddo badan soo jiray, mana ahan markii ugu horeysay ee ay Deeq wax barasho siiyaan  Ardayda Soomaaliyeed, xafladan aan ku sogootineyno ardaydan waxaan leeyahay  dalka Suudan waa dalkiina labaad ee ka soo faa’iideysta waxbarashada aad hesheen”

Qunsulka Safaaradda Suudaan oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Muqdisho markii hore waxaan ka aaminsaneyn meel dagaalo iyo burbur ay ka jiraan, balse markii aan nimid waxaan aragnay wax ka bedelan wixii aan fileynay oo ay ka mid yihiin nabad, horumar kala duwan. iskuulo iyo jaamacado wax laga baranayo, dib u dhis iyo waxyaabo kale farxad leh” .

” waxaan ku faraxsanahay oo aan rajeynaynaa mustaqbalka inuu si xoogeysto xiriirka labada dhinac ee hey’adda FPENS iyo  jaamacadda Afriqiya al-Caalamiyah”. ayuu yiri Qunsulka safaaradda Suudaan ee Soomaaliya.

Xaflada ayaa ku soo idlaatay farxad iyo u tahniyadeen ardayda heshay deeqda waxbarasho ee jaamacadda Afriiqiya al-Caalamiyah ee dalka Suudaan.

Comments are closed.