Xaflad si heer sare loo soo agaasimay oo ay ka soo qeyb galeyn Xildhibaano, Siyaasiyiin,Aqoonyahano, Haween Iyo Odey-dhaqmeydyada ee Beelaha Jareer Weyne ayaa lagu qabtay Hotel Kuwait ee Magaalada Muqdisho.
Ujeedada Xaflada ayaa aheyd sii sagootinta iyo isbarashada Aqoonyahan Cabdulqaadir Muudey Cabdi oo ka mid ahaa ka qeyb galyaasha Shirweynaha Qaran ee wadatashiga Geedi Socodka Siyaasada Soomaaliya ee ku soo idlaaday magaalada muqdisho .
Dhamaan ka soo qeyb galayaasha soo xaadirtay madasha loogu magacdaray soo dhaweynta, sakootinta iyo wadatashiga lala yeelanayey Aqoonyahan Cabdulqaadir Muudey Cabdi ayaa aheyd mid aan loo kala harin dhamaan beelaha jareer weyne, mr Muudey ayaa dalka ka maqnaa mudo fog oo 34 sano lagu qiyaasay waxaana ka muuqatay farxad iyo niyad wanaag oo u qabay ku soo laabashada dalkiisa hooyo kadib markii uu arkay soodhaweyn iyo kal gacal ay u qabaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Beesha uu ka dhashay.
Xildhibaan Maxamed Cumar Ceymoy oo ahaa Gudoomiyaha qaban qaabada oo ka hadlay xaflada ayaa u mahadceliyay ka soo qeyb galayaasha asaga oo hadalkiisa meelo badan taabanayey ayuu sii ayiday wararkii ay u soo jeediyeen qaar ka mid ah shacabka dega Gobolka Sh.Dhexe kaas oo ku saleeysnaa Booqashadii Madaxweynaha G/Dhaxe oo ay kaga dalbanayeen in uu xaqsoor ahaado una hiiliyo cadaalada Shacabka Soomaaliyeed .
Dadka ka hadlay Xaflada ayaa ka mid ahaa Maxamed Jabriil Ibraahiim, Nabadoon Abuukar Xaamuud yare, Ugaas Aweys Sheekh Xuseen [Honeera] Dahawa Suusow Maxamed, Faadumo Abuukar Mahdi , Xildhibaan Maxamed Cumar Ceymoy, Xildhibaan Maryan Aweys Jaamac, Xildhibaan Maxamed Cumar Maxmuud, Cabduqaadir Muudey Cabdi iyo Pro.Maxamed Cumar Dalxa dhamaantood waxay cabirayeen doorka siyaasada Beelaha Jareer weyne ay ku leeyihiin Dalka Soomaaliya.
Aqoonyahan Cabduqaadir Muudey oo qudbad dheer u jeediyay kana war bixiyay Shirweynaha Qaran ee wadatashiga Geedi Socodka Siyaasada Soomaaliyeed waxa looga baahanyahay dhamaan shacabka soomaaliyeed gaar ahaan shacabka ka soo jeedo Agagaarka Labada wabi ayaa yiri “Aniga shirkaasi waxaan ku matalayey Bahweynta Beelaha Jareer Weyne casuumaadana waxaan ku helay waa idinka ee halkani laguma soo koobi karo waxyaabihii loogu doodayey shirka” Sidoo kale waxa uu ku tala bixiyay “Waxaan idin leeyahay waa in aan u istaagnaa Istirakoobidda, dhismaha maamulada Gobolada iyo Dib U Dhiska Dalka” Sidaasina waxaa yiri Mr. Muudey.
Ugu Dambeentii waxaa hadal qiiro leh Maahmaahyo iyo murti ku dheehantahay ku soo gaba-gabeeyay Xildhibaanka Caanka ah Prof. Maxamed Cumar Dalxa Asiga oo lahadlayey Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Beelaha Jareer Weyne “Umada Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaan wax walbaba in ay nabad ku raadiyaan Beelaha Jareer Weynana waa beelaha nabad Jaceelka ah 95%, sidoo kale waxaan ugu baaqayaa shacabka in aan la taageerin dhamaan noocyada kala gedisan ee nabad diidka ah ee beryahan ku soo kordhay Dalkeena Soomaaliya” ( walaalnimaa noo dhaxeeyso iidoo Dhaayda taalo Ar Maxaa Dhanaanka leysiihaa ) Sidaanina waxaa yiri Prof Dalxa.
Xaflada ayaa ku soo idlaatay Jawi farxad Leh , qado sharaf iyo kulumo gooni gooni ah ( group discussions ) oo lala yeelanayay Aqoonyahay Cabdulqaadir Muudey Cabdi.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwabi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
waa kulan farxad leh loona baahnaa beesha wax yaabaha hoos u dhigay ayaa waxaa ka mid ah iska war qab la aanta iyo wada tashi la aanta allow waxaan kaa baryeeynaa kuwa na dulmiyay allow naga qabo
maasha’allaah waa wax lagu farxo ilaahaana mahad iskaleh taas waxay tusaale u tahay in talaabo horay loo qaaday tahay loona baahanyahay in lasii wado kulamadana la badiyo hadii la helo dad isku duuban oo iska war qabo waxaan hubaa inaan umadaaas meeley gaarin aan gaari karno
Waxaan Allah ka baryeeyna horumar iyo guul!
Maashaa Allaah waa wax aad muda dheer usoo halgameynay.
afayeeynka lexda udi shiidle ee ku nool dalka yamen hanbaliyo waxaansalaamayaa shaqaalaha jiinwabi iyo dadkii dadaalkansameeyay waxaankalo hambaliyo udirayaa dhamaan aqiyaarteyda iyo waalidiin teeda oo caalamka meelkastoo kajooga wadamadayurub iyo soomaaliya sida waalidiin teeda ku nool gawalkashaweelaha dhexe qaasatan jahor waxaansalaanudirayaa sxb keega qaaliga ahaa xuseeney afrax xaamuud & caliyaasir axmed xuseen &maxamed axmed xuseen iyo parfisor dalxa iyo sheeq jaamac xaaji xuseenwaxaankele aanhanbaliyo udirayaa maxamed c7kariinxaaji boolow nimca cabde kariinboolow hudo cabde kariinxaaji boolow cabdalla cabde kariinxaaji boolow dhamaanreer ckariinxaajii boolow waad salaaantihiin aabekamaal diinxaaji saalax dhamaaniyo caruur tiisa hooyo genimaxameddhamaancaruur teeda salaanmistirkaaziyo aabaha beesha jareer weyne maxamed amiin xajicabdalla caqiil givti of degavris
waa farxad in ay indhaheygu qabtaab dadkeyga oo meel kuwada shirsan Masha Allah