WAX-QABADKA WASAARADDA HORUMARINTA HAWEENKA IYO DARYEELKA QOYSKA

xeydar September 21, 2012 3
WAX-QABADKA WASAARADDA HORUMARINTA   HAWEENKA IYO DARYEELKA QOYSKA

WARBIXIN SANADEEDKA

AUGUST 2011 ilaa JULY 2012
EE
WAX-QABADKA WASAARADDA HORUMARINTA HAWEENKA IYO DARYEELKA QOYSKA

Hordhac .

Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Daryeelka Qoyska. waxay ka mid tahay Wasaaradaha mas’uulka ka ah arrimaha bulshada ee XFKMG ee Soomaaliya waxayna ka shaqeeysaa horumarinta bulshada iyo daryeelkooda gaar ahaan Haweenka iyo Carruurta Soomaaliyeed iyo inay hagto hoggaankana u qabato haweenka.

Wasaaraddu waxay mar waliba dadaal dheeraad ah ugu jirtaa sidii haweenka iyo caruurta garaadkooda kor loogu qaadi lahaa, haddii ay noqon laheyd barnaamijyada kobcinta garaadka iyo hadii ay noqon laheyd baaq bulshadeedka warbaahinta sidii ay ula socon lahaayeen.

Muddada kooban ee ay wasaaraddu jirtay waxay qabatay hawlo wax ku ool ah ee dhinaca horumarinta iyo isku xirka bulshada. Wasaaraddu waxay kulamo lagu xoojinayo wada shaqeeynta ay u qabatay Haweenka 16ka Degmo ee Gobolka Benaadir, sidoo kale waxay qabatay wacyigelin lagu xakameeynayo askareeynta carruurta da’da yar oo ay wacyi-gelin balaaran ka sameeysay.

Warbixintan waxay isugu jirtaa dhowr qaybood oo kala ah: Kobcinta Shaqaalaha, Horumarinta Haweenka, Daryeelka Carruurta, Shaqo u abuurista qaar ka mid ah qoysaska Soomaaliyeed iyo ka qayb-gelinta dumarka siyaasadda iyo horumarka dalka
Wasaaradda Haweenka waxay ka kooban tahay afar qaybood oo kala ah:

Waaxda Maamulka Lacagta iyo Shaqaalaha
Waaxda Xiriirka Gobollada iyo Abaabulka
Waaxda Horumarinta Haweenka iyo Dhallaanka
Waaxda Qorsheynta Tababarada iyo Tira-koobka

Kobcinta Shaqaalaha
Shaqaalaha wasaaradda oo ka kooban 23 waxaa lagu xoojiyey tiro shaqaale dhan 9 baahi jirta awgeed ayagoo ku shaqeeya si iskaa wax u qabso (volunteers) iyo horumarin xirfadaha ay leeyihiin. Qaybaha kala duwan ee ay ku kala shaqaaleysan yihiin waa 5 xogheyn (3 gabdho & 2 wiil) 1 farsama-yaqaan 1 Eng IT 2 caawiyeyaal xafiis Ujeeddada ugu weyn ee xirfadleyaashan loo qaatay waa:-
In Fursado shaqo loo abuuro ardeyda dhigata ama dhameeystay waxbarashada
In ay helaan khibrad ay ku shaqeeystaan lagana hortago dhibaatada shaqo la’aaneed ee dhallinyarada haysata.
In ay Wasaaraddu soo saarto dad da’ yar oo mustaqbalka laga faa’iideysto.

Wasaaraddu waxey kaloo shaqaalaha u sameysay shaqo qeexid (job description) si qof kasta oo shaqaale ah u ogaado hawsha uu qabanayo iyo waajibaadka saaran loona yareeyo is qab-qabsiga dhinaca shaqada, sidoo kale Waxaan hagaajinay si loo sugo joogitaanka goob shaqo ee shaqaalaha xaadirinta shaqaale kasta oo loo sameeyey diiwaan xog urrurin ah oo lagu uruurinayo xogta shaqaalaha wasaaradda oo electronic ah (Data Base), si loo helo saacadaha rasmiga ah ee shaqaale kasta soo galayo ama uu baxayo.
Talaabadan oo runtii ahaa mid lagu guuleystay wada shaqeeyn wanaagsanna ku dhexmartay shaqaalaha Wasaaradda.
Wasaaraddu waxay fursado tababaro siisay shaqaalaha wasaaradda iyo xubno kale oo gabdho ah oo ka tirsan Wasaaradaha Ganacsiga, Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda. Kulankan oo wejigiisa hore lagu qabtay Magaalada Kampala ee caasimadda Dalka Uganda bishii November 2011 waxaana Wasaaradda uga qaybgashay shirkan Madaxa qaybta Carruurta. wejiga 2aad ee kulankan waxaa lagu qabtay Nayroobi magaalo madaxda Dalka Kenya bartamaha bisha July 2012 waxaa ka qaybgashay Agaasimaha Waaxda Xiriirka Gobollada ee Wasaaradda Haweenka. Kulankan oo muhiimaddiisu lahaa waxaa looga hadlaayey Ganacsiga Haweenka Afrika, waxaana wafdiga hoggaaminaayey mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Daryeelka Qoyska. Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay IGAD wuxuu ku dhamaaday sidii loogu talagalay iyadoo gabagabadii kulanka ay ka soo baxeen qodobo lagu mideeynayo gabdhaha ganacsatada Afrika.

Si loo xoojiyo xirfadaha ay ku shaqeeyaan shaqaalaha Wasaaradda waxaa tababar socday 2 usbuuc oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ka qaybgashay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Xisaabaadka. Tababarkan oo runtii ahaa mid muhiim ah waxaa soo diyaariyey African Development Center. Duruusta laga bixinaayey tababarkan ayaa waxay ahaayeen kuwo ku saleeysan habka guddoomidda kharashaadka, haraaga iyo sidoo kale habka loo maamulo xisaabaadka guud ee dowladda.
Horumarinta Haweenka
Wasaaraddu waxey xoojisay xarunta Horumarinta haweenka iyo Dhallaanka Soomaaliyeed ee Qamar si loo tayeeyo xirfadaha haweenka Soomaaliyeed halkaas oo ay wax ku bartaan in ka badan 355 haween oo la baro xirfado kala duwan sida waxbarashada dadka waaweyn, luqadaha Englishka, Carabiga, Maamulka iyo Maareynta, Maamulka Ganacsiga, sameeynta farshaxanka, xirfadda harqaanka iyo barashada kumbuyuutarka. Sidoo kale waxaa Xaruntan ka shaqeeya 17 gabdho oo bareyaal ka ah Xarunta oo wax ka barata ardey u badan agoon iyo kuwo kale oo tabaaleysan oo gaaraya 675 ardey.

Wasaaraddu waxay ardeydu ku nafaqeeysaa quraac fudud oo ka kooban caano iyo buskut Kharashka ku baxa quraac-siinta Ardeydan ayaa gacan weyn ka geeystay Xukuumadda FKMG madaama qoysaska carruurtan ka kala socdaan aysan awoodin quudintooda. Waxaase wax lagu farxa ah oo ay wasaaraddu ku guuleysatay inay ardeyda Xarunta Qamar hesho quraac nafaqeeysan oo maalin kasta ah ayna nagu taageerayso hay,adaha samafalka Turkiga.

Madaama ay weli baahsan tahay baahida haweenka ay u qabaan waxbarasho ama xirfad ay ku shaqeeystaan ayay Wasaaraddu waxay ka furtay Degmada Shingaani Xarun labaad oo loogu magac daray Qamar 2. Xaruntan oo fursado shaqo siisay ardeydii horey wax uga soo baratay Xaruntii 1aad ee Qamar. Waxaana gacan weyn ka geeystay hirgelinta Xaruntan hay’adda Imaam Khumeyni oo ku sugan magaalada Muqdisho. Hay’addan oo ka socota dalka Iran shaqadeeduna tahay horumarinta Haweenka iyo Qoyska. Waxaa Wakiilkooda Soomaaliya uu ballan qaaday inay fulinayaan qorshahoodu ku aaddan inay ka qayb-qaataan barnaamijyada horumarinta Haweenka Soomaaliyeed oo muddo 20 sano ka badan ku sugnaa xaalad dagaal iyo macluul.

Wasaaraddu waxay sameeysay barnaamijyo wacyigelin looga hadlayo Nabadda iyo taageeridda Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM oo guulo wax ku ool ah ka soo hooyey la dagaalanka Kooxda Al-Shabaab kuwaasoo lagala wareegay goobihii ay horey ugu sugnaayeen.

Wasaaraddu waxay kulamo aqoon-isweydaarsi u qabatay haweenka gobolka benaadir. aqoon is-weydaarsiyadani oo Wasaaraddu ugu tala gashay in lagu wacyi geliyo haweenka iyo in ay ku dadaalaan midnimada iyo dib u dhiska dalkooda. Sidoo kale Wasaaraddu waxay xoogga saartay aqoon is-weydaarsiyada looga hadlayo sidii hooyooyinka soomaaliyeed ay ula socon lahaayeen dhaqdhaqaaqa carrurtooda maadaama ay jiraan kooxo caadeystay inay dhallinyarada ku mashquuliyaan waxyaabo lagu dhibaateeynayo bulshada

Sidoo kale waxay Wasaaraddu ayadoo kaashaneysa culumaa’udiinka iyo waxgaradka Soomaaliyeed ay qabatay Aqoon is-weydaarsiga looga hadlayo gudniinka fircooniga oo dhibaato weyn u geeysata gabdhaha da’da yar iyo sidii hooyooyinka looga dhaadhicin lahaa joojinta ficilkan xun oo gabdhuhu kala kulmaan khatar farabadan xilliga guurka iyo dhalmada sababtana dhiig bax iyo dhimasho.

Marwada Ra’isul Wasaraha,,Wasiirka. Haweenka & W/dowlaha 16ka Degmo Ee Gobolka Benaadir & Bulshada Rayidka

Sidoo kale Wasaaraddu waxaay qabatay kulan looga hadlaayay in laga hor tago caruurta laga safriyo qoysaskooda (human trafficking) Furiinka iyo guurka Gabdhaha da’da yar, barnaamijkan oo ay bulshadu (weliba kuwa dhibaatadani ay taabatay) uga qayb-qaateen dhinaca war-baahinta. Mas’uuliyiinta Wasaaraddu waxay bulshadu gaarsiisaay talooyin ku aaddan dhibaatada gabdhaha yar yare ee soomaaliyeed ee haysata arrimaha aan ku soo sheegnay. Sidoo kale Wasaaraddu waxay barnaamij wacyigelin faneed dhinaca nabadda ah oo ay iska kaashadeen

Kooxda Horseed Ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed barnaamijkaas oo ay bulshadu aad uga heleen.

Ka dib markii abaaro iyo macluul ba’an oo wehliyey Nabad-gelyo xumi ay la soo gudboonaadeen dad ka soo barakacay gobollada konfureed Wasaaraddu waxay door muhiim ah ay ka ciyaartay dejinta iyo kor u qaadidda xaaladda nololeed ee bara-kacayaasha waxay deeq isugu jira harqaano, dhar iyo qalabka caruurta ay ku cayaaraan gaarsiisay xerada badbaado oo ah xerada ugu weyn ee barakacayaasha ku nool gobolka Benaadir.

Deeqdan oo ay Wasaaraddu soo gaarsiisay hay’ad ka socota Waddanka Sudaan oo lagu magacaabo Munazama Adda’wa Al Islamia. Qalabkani oo runtii wax ka beddeli doonta xaaladda daqli-dhalineed ee qoysaska barakacayaasha.

Dejinta Barkacayaasha Xerada Badbaado

Madaama Gobollada Soomaaliya intooda badan ay soo galeen gacanta Dowladda Wasaaraddu waxay xiriir wada-shaqeyn ay la sameeysay ururada haweenka Gobollada Gedo, Ba , Bakool,Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Hoose. Gobolladan oo in muddo ahba ku jiray cadaadis joogto ah oo ay ku wadeen maleeshiyada Al-Shabaab. sidoo kale Waxay Wasaaraddu xiriir shaqo ay la yeelatay maamul goboleedyada Puntland Galmudug iyo Ahlu-suna wal-jameeca oo guud ahaantood aynu ka wadahadalnay sidii loo abuuri lahaa jawi wada sahqeeyneed oo Soomaali oo dhan u wada siman tahay, mudnaantana la siiyo baahida taagan sidii looga gudbi lahaa.

Wasaaraddu waxay Kulan looga hadlaayey Qorshe hawleedka (Road mapka) u qabatay haweenka gobollada Benaadir , Shabeelada Hoose/Dhexe Jubbooyinka Gedo, Puntland, Galmudug iyo wakiilada Ahlu-Suna Wal-jameeca inta u dhaxeeysa 3 -5 bisha December 2011. Fulinta hawshan oo ay wasaaraddu kala kaashatay Hay,adda UNPOS sidoo kale waxaa kulan la mid ah loo qabtay haweenka ku nool waddanka dibadiisa laguna qabtay magalada Nairobi inta u dhaxeeysa 14ka ilaa 17ka bisha November 2011.

Waxay Haweenku soo bandhigeen fikradahooda ku aaddan qorshe hawleedkan iyo sidii looga qaybgelin lahaa hawlaha muhiimka ah ee ay dowladdu fulineyso madaama Haweenku bulshadu ka yihiin 60% ayna yihiin dhibbanayaasha ugu badan ee ku waxyeeloobay dagaalada sokeeye iyo abaaraha ka dhacay dalka Soomaaliyeed.

Si dib loogu soo nooleeyo iskaashatooyinkii hore u shaqeeyn jiray ee dhinaca daqli dhalinta qoyska iyo bulshada inteeda kale. Wasaaraddu waxay qalab taageero ah gaarsiisay iskaashatooyinka dharka alindiga sameeya ee ka jira Gobolka Benadir oo ay ku deeqday dunta iyo qalabka kale ee lagu hagaajiyo dhar sameeynta.
Kooxda oo isugu jira rag iyo dumar waxay wasaaraddu u xaqiijiyeen in ay tani tahay bilow fiican oo dib loogu soo nooleynayo barnaamijyada dakhli dhalineed ee ay bulshadu u baahan tahay.

Wasaaraddan oo mas’uuliyadeedu tahay sidii loo xoojin lahaa qoysaska tabaaleysan iyo dadka taagta daran loona dhiso mooralka dadka naafada ah Wasaaraddu waxay taakuleyn gaarsiisaa qoysas ka badan 30 oo Indhooleyaal ah. Qoysaskan oo isugu jira dumar iyo carruur aan waxba qabsan Karin.
Ujeeddada taakuleeyntan lacageed waxay ahayd in loo abuuro meherado shaqo si ay helaan nolol maalmeedkooda madaama ay yihiin bulshada inteeda ugu taagta daran nolol maalmeedkoodana uu ku xiran yahay hadba sida ay bulshadu u taageerto.


Daryeelka Carruurta:

Waddanka Soomaaliyeed oo muddo 21 sano ah ku sugan xaalaad amaan daro dhallisay in carruurtu baylah noqdaan gacantana ay u galaan dad aan diir naxaynin oo sida ay doonaan u adeegsanaya. Carruurta soomaaliyeed waxay noqdeen qaar agoontoobay iyo kuwo ay kala lumen waalidkii dhalay ama la soo barakacay deris iyo asxaab taas oo dhalisay in ay kor u kacdo tirada carruurta derbi jiifka ah amaba isticmaala maan-dooriyaha isugu jira qaadka, koolada iyo waxyaabo kale.

Wasaaraddu waxay xoojisay Xarunta Haweenka iyo Carruurta ee Qamar oo waqtul-xaadirkan ay wax ka bartaan carruur tiradooda ku dhow ilaa 1,000 ardey. Xaruntan oo ay Wasaaraddu hay’ado kala duwan kala kaashatay u helidda tas-hiilaadka ay ardeydu u baahan yihiin sida qalabka waxbarashada oo ay gacan naga siisay hay’adda Somali Community Concern iyo UNDP oo dhinaca dayactirka Xarunta Qamar qayb-weyn ka qaadatay, Sidoo kale Hay,adda NILE

ee Turkiga ayaa imtixaan ka qaaday ardey gaareysa 54 ardey oo isugu jira agoon iyo kuwa taagta-daran, ardeydani waxay nasiib u yeesheen in ay ku biiraan iskulaadka ay maamulaan Hay’adda NILE ee Turkiga.

Si loo daryeelo Carrurta agoonta Wasaaraddu waxay la wareegtay maamulidda iyo taakuleynta Xarunta Al-bir oo ku taala Degmada Hodan waa ay Xarun ku xareeysan yihiin Carruur Agoon gaareysaa 600 ilaa 700 qaar ka mid ah carrurtan ayaan haysan wax ehel ama qaraabo kale, waxaana hoy u ah Xaruntan oo ay Wasaaraddu gaarsiiso deeqaha cunto nafaqeeysan oo ay na soo gaarsiiyaan hay’adaha samafalka sida Hay’adda Iman Khumeyni, Sudan iyo kuwo kale.

Sida aynu ogsoonahay 20 sano iyo ka badan oo waddanku ka socday dagaalo wejiyo badan lahaa waxaa kor u kacay tirada carruurta waliidkooda ku waayey dagaalada qaar ka mid ah Agoontan waxay ka yimaadaan gobollada Soomaaliya ka dib marka ay la soo qaxeen dadka deriska la ahaa.
Wasaraddu waxay sameeneysaa diiwan-gelin Agoonta Soomaaliyeed si loogu helo tageero dhinaca waxbarashada iyo nolosha sababta oo ah waxa ay u nugul yihiin in ay marin habaabiyaan kuwo dano gaar ah leh oo aan jeclayn in la helo nabad waarta
Gar-gaarka Aadamiga

Sida aynu wada ogsoon nahay waxaa magaalada Muqdisho buux dhaafiyey barakacayaal ka soo cararay degaanadooda ka dib markii ay si lama filaan ah u soo wajahay abaaro iyo macaluul hoos u dhigay nolosha kumanaan qoys oo u badan Haween iyo Carruur. Dowladda Ku-meelgaarka waxay dedaal weyn ay u gashay sidii loogu gurman lahaa barakacayaasha waxaana qayb lama ilaawaan ka geeystay waddamada deriska ah iyo kuwa Islaamka oo hiil iyo hooba ugu soo gurmaday barakacayaashan.

Wasaaraddu waxay kaalmooyin isugu jira cunto iyo dharba gaarsiisay in ka badan 2,520 qoys oo ku kala nool xeryaha barakacayaasha Gobolka Benaadir.iyo carruurta Agoonta Xarunta Qamar. Mucaawinadan oo ay Wasaaraddu soo gaarsiiyeen Dalalka Iran iyo Turkiga waxaana sidii loogu talagalay oo aan qofna dhibaato ku soo gaarin loo gaarsiiyey qoysaskii u baahnaa waxaa goob-joog ka ahaa qaybinta mucaawinadan mas,uuliyiinta reer Iran iyo Turkiga.
Wasaaraddu waxay kaloo gaarsiisay 500 oo qoys deeqdii udxiyada oo ay bixisay Dowladda Turkiga. Waxaana ka faa’iideystay Agoonta Xarunta Qamar iyo qoysas Soomaaliyeed oo aad u tabaaleysan.


Wasaaraddu waxay 45 qofood oo dhibaatooyin caafimaad daro haysata u gudbisay Isbitaalka AMISOM, bukaanadan oo isugu jiray qaar buro laga qalaayey, Haween dhibaatooyin soo gaaray xilliga dhalmada iyo cudurada kaadi baxsadka , carruurta aan ku dhallan xubnaha taranka oo qaarkood waddanka gudihiisa wax looga qaban waayey loona gudbiyey waddamo kale si xaaladooda caafimaad wax looga soo qabto. Sidoo kale waxaa cudurada, malaariyada, jadeecada, iyoo xiiq dheerta laga daaweyay 500 qofood waxaa hawshaan iska kaashaday Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Wasaradda Caafimaadka.

Ka qaybgalka Kulamada Caalamiga ah iyo kuwa Gudaha

Wasaaraddu waxay ka qaybgashay kulamo looga hadlaayey Dhameystirka Dastuurka qabyada ah iyo Dib u heshiisiinta oo ay ka mid noqotay xubnaha guddiga loo xil-saaray arrimahan laguna qabtay Magaalada Nairobi inta u dhaxeeysa Oct – Sept. 2011.

Sidoo kale Wasaaraddu waxay ka mid noqotay xubnaha ka qaybgalay shirka Yabooha Waddamada Afrikaanka iyo beesha caalamka ee lagu qabtay Addis-Ababa ee uu horkacayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda. Federalka Ku-meelgaarka ah ee Soomaaliyeed Mudane Sheikh Shariif Sheikh Axmed. Waxay Waddamadan shirka ku soo bandhigeen yabooha dhaqaale ee ay u hayaan Waddanka Soomaaliya si loo fuliyo hawlaha isugu jira dib u soo nooleynta

amaanka iyo xasiloonida Dalka Soomaaliyeed iyo badbaadinta dadka ku dhuftay abaaraha ee ku soo barakacay magalaada muqdisho iyo degmooyinkeeda

Wasiirka Wasaaradda Haweenka waxay ka qayb-gashay shir sanadeedka looga hadlayey Doorka horumarinta Nabadda ee Haweenka geeska afrika ee lagu qabtay magaalada Lund,ee Dalka Sweden intii u dhaxeeysay 22 – 25 Sept. 2011. Waxaa soo qaban qaabiyey kulanka Hay’adda Somali International Rehabilitation Center (SIRC). Wasiirka oo ka hadashay Shirkan waxay xustay doorka muhiimka ah ee ay Haweenka Soomaaliyeed ka muujiyeen dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed oo dhowr waddan lagu qabtay marnana ay Haweenku ka daalin sidii ay doorkooda u muujin lahaayeen ayagoo ahaa dadka sida weyn loo waxyeeleeyey xilligii qalaalasaha socday.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka waxay ka qaybgashay kulan lagu qabtay magalaada Tehraan loogana hadlaayey baraarugga Islaamka taariikhdu marka ay ahayd 17 – 18 Septembar. Shirkan oo ay soo abaabuleen Ururada Diimaha iyo mas,uuliyiinta Dowladda Iran waxaa ka soo qaybgalay 47 waddan oo islaam iyo ururada Islaamka ee Yurub, Asiya iyo Afrika.

Wasiirka Wasaaradda oo halkaas ka akhrisay warbixin ku saabsan xaaladda siyaasadeed iyo abaaraha ka jira waddanka Soomaaliya ka-qeygalayaasha ayaa si aad ah u dareemay xaaladda xanuunka badan ee ay ku sugan yihiin dadka Soomaaliyeed waxayna waddamada ka soo qaybgalay kulankan soo jeediyeen kuna ballan qaadeen in ay door weyn ka qaadan doonaan dib u dhiska Soomaaliya kana caawinayaan dhinacyada kala duwan ee lagu hurumarinayo bulshada.
Wasaaraddu waxey kaloo ka qeyb gashay 24ka bishii Nofeembar 2011 shir ku saabsan horumarinta bulshada oo ay si wadajir ah uga soo qeyb galeen Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Daryeelka Qoyska, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka shirkani ayaa waxaa looga hadlaayey qorsho hawleedka barnaamijka isku xirka dawladda hoose ee 2012 (Joint Program for Local Governance) hawlaha la qabtay iyo waxyaabaha kale ee qorsheeysan. Waxaa shirkan lagu soo bandhigay warbixinta mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya laga fuliyey inkastoo weli dhibaatooyin badan ay jiraan haddana waxaa la xoojiyey sidii meelo ka mid ah gobollada dalka la oo gaarsiiyey ceelal iyo goobo waxbarasho oo bulshada muhiim u ah.
Tababar ku saabsan yareeynta faqriga ayaa lagu qabtay Magaalada Garoowe oo ka tirsan Gobolka Nugaal taariikhdu marka ay ahayd 18ka December 2011. Tababarkan oo ay ka soo qaybgaleen xubno ka socda 18ka Wasaaradood ee XFKMG Soomaaliya. Tababarkan oo socday muddo 11 maalmood waxaa casharo muhiim ah ka bixinayay khubaro Soomaali iyo Ajinabi ah. Waxaa fulinta tababarkan gacan weyn ka geeystay Hay’adda UNDP, waxaana ugu dambeeyntii la isku raacay in la dhiso guddi soo diyaariya warbixin iyo qorshe ku saabsan sidii loo yareeyn lahaa faqriga Gobollada Dhexe iyo Koonfurta Soomaaliya.

Wasaaradda Haweenka oo ahayd hormuudka guddiga waxay door muhiim ah ka muujisay sidii loo soo ururin lahaa xogta ku saabsan dhibaatadan weyn ee ku habsaday bulshada gaar ahaan Haweenka iyo Caruurta.

5tii Janaayo 2012, Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Daryeelka Qoyska waxay abaabushey Banaanbax weyn oo loogu magac-daray socodkii nabadda ee 3da kun haween ay isugu soo baxeen Haweenka Gobolka Benaadir laguna taageerayay shirkii Garoowe oo ay ku kulmeen Saxiixayaasha heshiiskii Road-mapka ee lagu gabagabeynayo xilliga ku meel gaarka ah

Shirkan oo Muhiimad weyn u lahaa Haweenka Soomaaliyeed madaama ujeeddadu ugu weyn uu ahaa in Soomaaliya loo helo nabad iyo xasilooni isla mar ahaantaasna laga hadlo xuquuqda haweenka iyo mudnaanta ay bulshadu ku leeyihiin oo muddo dheer ahaa qodob aan siyaasiyiintu ka hadlin.

Waxaana ay haweenku tixgeliyeen fursaddan ayagoo wax waliba ka horumariyay danta dalka iyo shacabka Soomaaliyeed oo dhibaatooyin fara badan soo maray xilliyadii dagaalada sokeeye ay socdeen waxaana qodobada shirka ka soo baxay ka mid ahaa inay haweenku yeelanayaan 30% dhinaca ka qaybgalka siyaasadda iyo baarlamaanka cusub ayadoo ay muuqato inay intaas iyo in ka badanba ay Haweenka Soomaaliyeed mudan yihiin haddana ay muhimadda siyeen nabad ku celinta Waddanka iyo xasilooni buuxda oo la helo.

Runtiina waxay ahayd fursad weyn inay haweenku la fariistan siyaasiyiintooda kalana xaajoodaan xuquuqda ay ku leeyihiin Dalka. Banaanbaxan oo Bulshada Soomaaliyeed kuwooda dalka gudihiisa iyo dibadiisaba aad ugu riyaaqeen.

20 sano ka dib waxaa dib gacanta dowladda Soomaaliyeed ku soo noqday daarta hooyooyinka Soomaaliyeed oo ka soo horjeeda Golaha Murtida iyo Madadaalada (National Theater). Daartan oo taariikh weyn u leh Haweenka Soomaaliyeed waa Xarunta keliya ee Arrimaha Haweenka lagu go’aamin jiray. Waxaa muddooyinkii dagaalada sokeeye ay socdeen ku soo barakacay qoysas Soomaaliyeed oo hoy ahaan u isticmaali jiray daartaas.

Muqaalkii Hore ee Daarta Haweenka            Muuqaalka Cusub ee Daarta Haweenka

Madaxweynaha DFKMG ayaa amar ku bixiyey in la baneeyo Xarumaha dowladda si loo soo celiyo adeegyada lagu fulin jiray Xarumahaas si ay bulshaduna u hesho adeegyada ay dowladdu uga baahan tahay. Qoysaskan oo sida sharcigu waafaqsan yahay u fuliyey amarka ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa baneeyey daarta Hooyooyinka iyo Xarumo kale oo ay dowladdu leedahay.
Runtii waa guul u soo hoyatay Dowladda KMG oo xilligan ka shaqeeyneysa dhameeystirka ku-meel gaarnimada loona helo dowlad rasmi ah iyo goobihii ay ku shaqeeyn lahayd. Daarta ayaa ku socda dib u habeeyn ay gacan weyn ka geeysanayso Waddanka Dermark.

 

25 Febraayo 2012 waxaa Tababar ku saabsan Macluumaad ku saabsan qaabka loo maamulo Mashaariicda (DATABASE) Tababarkaas waxaa loo qabtay Qaarka mid ah Wasaaradaha Dowladda Federaalka Kumeelgaarka Soomaaliya, wuxuuna socday Muddo 2 Maalmood, waxaa fududeeyey UNDP.

Maalinta Haweenka Adduunka 8da Maarso waa maalin runtii taariikh weyn u leh Haween-weynaha Adduunka ku nool. Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Daryeelka Qoyska waxay abaabushay xuska munaasabadda 8da Maarso oo runtii Haweenka Soomaaliyeed fursad weyn u ahayd, ayadoo ay ku soo aaday waqti Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa AMISOM magaalada Muqdishu ay ka saareen kooxaha Al-shabaab.

 

Haweenku waa xubnaha ugu nugul ee ku dhibaatooday dagaalada sokeeye sidaas ay tahayna Hooyada Soomaaaliyeed waxay dhabarka u dhigatay sida ay u samata bixin lahayd qoyskeeda iyo bulshada inteeda kale.

Soomaaliya oo muddo ka badan 20 sano ku jirtay nidaam dowlad ku-meel gaar ah Haweenku waxay ka shaqeyeen sida ay u dabooli lahayeen baahida ay bulshadu u qabto barnaamijyada horumarinta waxbarashada, caafimaadka, nadaafadda degaanka iyo waxyaabaha aasaasiga ah ee bulshadu u baahan tahay.

8da Maarso oo muddo 20 sano ka badan laga xusin Dalka. Wasaaradda oo kaashaneysa haween-weynaha Gobolka Benaadir iyo Ururada Bulshada Rayidka ayaa si niyad-sami iyo midnimo leh uga wada shaqeeyey xuska munaasabada 8da Maarso oo ay ka soo qaybgaleen dhamaan mas’uuliyiinta Dowladda KMG oo uu horukacayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheikh Shariif Sheikh Axmed.
Waxaa isugu soo baxay dhamaan haweenka 16ka degmo ee Gobolka Benaadir, Ciidamada Qalabka Sida, (Rag & Dumar) Wakiilada Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, Barbaarta gaashaman, Dhallinyaro iyo Ardeyda iskuulada magaalada Muqdisho.


Waddanka Kuwayt oo ka mid dowladaha sida walaaltinamada ku dheehan tahay ugu soo gurmaday Walaalahooda Soomaaliyeed ka dib marka ay macluul ba’an iyo abaaro ay ku dhufteen koonfurta Soomaaliya abaarahaas oo sababay in ay soo bara-kacaan qoysas ku tiirsanaan jiray dalagga beeraha iyo xilli roobaadka. Haweenka Soomaaliyeed oo dhibaatooyin badan ka soo gaaray xaaladaha dagaal ee waddanka ka jira iyo shaqo la,aan soo wajahay aabayaasha Soomaaliyeed.
Wasiirka Wasaaradda iyo wafdi ay hoggaaminayso ayaa ka qaybgashay shir looga hadlaayey doorka haweenka ee dhinaca dib u heshiisiinta. Shirkan oo furmay 2da ilaa 3da bisha May 2012, waxaabaha ugu muhiimsanaa ee shirkan looga hadlay waxay ahaayeen doorka weyn ee haweenka Africa ay ciyaareen xilliyada dagaalada sokeeye ay ka socdeen wadamada sida Somalia, Uganda Ruwanda halgankii midab takoor diidka ee south Africa. Waxaa shirka guddoominaysay Grace Michele oo ah Xaaska Madaxweynihii hore ee South Africa (Nelson Mandela).

Waxaa kale oo shirka looga hadlay dhibaatada aan marna laga hadlin ee ka jirta Xafiiska UNITED NATIONKA & AFRICAN UNIONKA oo ah in aan dumarka la siinin fursadaha la siiyo Ragga sida ka mid ahaanshaha xubno ama ergada nabad raadinta loo magacaabo waddamada dagaalada ka socda ayadoo la ogsoon yahay in maanta Africa laga heli karo dumar badan oo soo qabtay xilal kala duwan sida safiiro, wasiiro ilaa iyo heer madaxweyne ama xilal sare u soo qabteen UN iyo AU.

 

Grace Michele ayaa ka hadashay in ay isku day badan sameeysay sida ay arrintan u hor dhigi lahayd Golaha Amaanka, waxay ugu dambeeynti sheegtay in ujeeddada ugu weyn ee shirkan loo qabtay ay tahay in la soo saaro baaq ku aaddan in ay haweenka ka mid noqdaan ergada nabad raadinta ay soo magacaabayso hay,adda UNITED NATIONka iyo AFRICAN UNION.

Shirka oo si guul ah ku dhamaaday 3da bisha 2012.


Wasiirka iyo wafdigeeda waxay kulan la yeesheen hay’adda Xiriirka Caalamiga oo Xafiiskooda ku yaala Magaalada Pritoria oo wada sahqeeyn ka dhaxaysa Wasaaradda Haweenka South Africa . mas,uuliyiinta hay,addan waxay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin in labada waddan Somali iyo South Africa xiriirkooda soo noolanayo waxa kale oo ay noo sheegeen in ay horey soomaaliya u soo direen koox caafimaad oo dadka soomaaliyeed si weyn uga caawiyey dhinaca caafimaadka. Waxaa kale oo ay Wasiiraddu kala hadashay dhibaatada dadka soomaaliyeed ku haysata Dalka South Africa waxay qireen in markii ay Soomaalida Waddanka soo galeen ay bilaabeen ganacsi baaxad leh taas oo dhalisay in uu yimaado tartan ganacsi oo ka dhaxeeya dadka South Africa iyo qaxootiga ka kala yimid Soomaaliya, Kenya Zimbwabi iyo waddamo kale.
Waxay sheegeen in Dowladda South Africa ay ku dedaalayso sidii ay u xakameyn lahayd dhibaatooyinkan soo noq-noqday.Hay’addu waxay ka warbixisay in lagu ballansan yahay kulan weyn oo la qabanayo 25ka May oo ku aadan maalinta Africa la isuguna yeerayo dhammaan safaaradaha afrikaanka ah ee ku sugan South Africa si ay maalintaas uga wada hadlaan dhibaatooyinka ku dhacaya dadka magan gelyo doonka ah ee waddankooda ku sugan.

5tii May 2012, Wasiirka iyo wafdigeeda waxay kulan la qaadatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee South Afrika oo Guddoomiye ka yahay Cabdulqaadir Soomane Waxay ka hadleen xaaladda murugada leh ee qaxootiga Soomaaliyeed ku haysata Dalka South Afrika. tan iyo markii uu waddanka ka bilowday dil iyo dhac loo geeysanayo dadka shisheeyaha oo saameyn weyn ku yeeshay dadka soomaaliyeed ee ku ganacsada waddanka. guddoomiyaha wuxuu ka warbixiyey tiro dad soomaaliyeed oo waxyeelo loogu geeystay gudaha south africa ayna wadaan dadaal ku aaddan sidii loo xakameeyn lahaa dhibaatadan.

Waxaa deeq lacageed oo shaqsi ahaaneed Wasaaraddu ay gaarsiisay qaar ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed oo meherado ganacsi yar yar ku hayey suuqa Xamar-weyne ka dib markii ganacsigoodu ay ku waayeen dab qabsaday goobta ay ku ganacsanyeen. Deeqdan lacageed oo ay na soo gaarsiisay Saara Akbar oo ah mas’uul ka socotay Wakaaladda Tamarta ee Kuwayt, ka dib marka ay kulan la qaadatay Wasiirka Wasaaradda Marwo Maryan Aweys waxay ka wada hadleen xaaladaha Haweenka Soomaaliyeed iyo dhibaatooyinka ay kala kulmayaan dhanka nolosha oo ay Wasiiraddu u faah-faahisay. Sidoo kale Saara Waxay kulan la yeelatay qaar ka mid ah haweenkan oo runtii ka muuqatay murugada ganacsigoodii ay ku quudin jireen qoysaskooda.

Deeqdan lacageed oo la gaarsiiyay tiro gabdho gaaraya 220 haween oo meherado ganacsi kala duwan ku sameeynaya goobo ka tirsan degmooyinka gobolka benaadir waxaana qof waliba oo ka tirsan gabdhahan la siiyay 5,000,000 (shan milyan oo shillin soomaali ah) si ay dib ugu bilaabaan meheradahoodii ganacsiga.

Haweenka oo aad ugu bogaadiyey gabadhan muslimadda ah ee duruufahooda tixgelisay waxay u duceeyeen ayada iyo dhammaan shacbiga reer Kuweyt.

Wasaaradda Horumarinta Haweenka waxay door-weyn ka muujisay soo dhoweeynta iyo dejinta Salaadiinta Dhaqanka Soomaaliyeed ee ku Shirsan Muqdisho. Ayadoo Wasaaraddu ka faa’iideysaneysa fursaddan qaaliga ah ee Ummadda Soomaaliyeed u soo jeesatay in Nabad iyo Xasilooni loo helo Dalka iyo Dadkaba. Wasaaraddu waxay kulan u qabatay Haween-weynaha Gobolka Benaadir. Kulankaan oo ujeeddadiisu ahaa xoojinta baaqyada ka soo baxaya Haweenka Soomaaliyeed ee ku wajahan Salaadiinta Dhaqanka Soomaaliyeed.

Haweenka ayaa qoraalo iyo suugaanba ku gudbiyeen farriimahooda kana dalbaday Odayaasha Dhanqanka inay fuliyaan qoondada Haweenka 30% maadaama ay yihiin kuwa maanta u fadhiya masiirka waddanka iyo sidii looga bixi lahaa xilliga ku meel-gaarnimada iyo helidda dowlad soomaaliyeed oo loo wada dhan yahay.

Odayaasha oo soo dhoweeyey baaqa Haweenka waxay ballan qaadeen in ay fulin doonaan hirgelinta 30% ka qaybgalka doorka siyaasadeed ee Haweenka.

Salaadiinta Dhaqanka oo Haweenka uga mahad celiyey doorka wanaagsan ee ay cayaareen xilligii adkaa ee dagaalada sokeeye ee waddanka soo maray.

Wasaaraddu waxay qorsheeysay kulan ALLA bari ah oo ay haweenka Soomaaliyeed ku wada kulmeen Xarunta Wasaaradda Haweenka. Kulankan oo ay Haweenku ku Alla bariyeen in uu ka qaado dhibaatada qaan-gaarka noqday ee dushooda saaran sidoo kalena la iska cafiyo xumaatada kala gaaray walaalaha Soomaaliyeed oo sinna u kala maarmin.

 

Waxay Haweenku ku farxeen runtii sida ay Wasaaraddu isugu taxluujisay in ay isku keento Haween-weynaha Soomaaliyeed meel qurana ay ku wada Alla bariyaan xaaladdan oo ah mid lagama maarmaan u ah bulshada Soomaaliyeed.

Kulan lagu diyaarinayo qorshe lagaga hortagayo tacadiyada haweenka loo geeysto oo ay si wadajir ah u qaban-qaabiyeen Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Daryeelka Qoyska iyo AMISOM ayaa loo qabtay ciidamada booliska gaar ahaan gabdhaha booliska Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Wasaaradaha Xukuumadda KMG,(Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Garsoorka Diinta iyo Cawqaafta), Xubno ka tirsan Xildhibaanada Baarlamanka KMG ah, qaar ka mid ah Qaareenada Soomaaliyeed iyo Ururada Bulshada Rayidka.

Kulankan oo socday muddo usbuuc ah 11 – 16ka Juune 2012 ayaa waxaa looga hadlay noocayada tacadiyada loo geeysto Haweenka gaar ahaan Haweenka Soomaaliyeed oo muddo ka badan 20 sanno ku jiray xaalad aan degganeyn oo laga dhaxlay dhibaatooyin isugu jiray jirdil iyo kufsi, Dhibaatooyinkan oo inta badan ka dhaca meelaha ama waddamada aafeyey dagaalada sokeeye sida Soomaaliya.

Mashruucan looga hortagayo tacadiyada Haweenka loo geeysto waxaa gacan ka geeystay dalka Denmark waxaa ka soo qaybgalay khubaro ka socday waddamada Sira-lieon, Austeria, qaar ka tirsan 16ka Danjire ee Haweenka Madaxa banan, Wakiilka gaarka ee Midowga Afrika (A.Diara) Taliya Ciidamada AMISOM iyo marti kale. Muddada kulanka socday ka qaybgalayaashu waxay soo bandhigeen

fikradahooda ku aaddan sidii loo xakameeyn lahaa tacadiyada haweenka loo geeysto.
Wasaaradda Horumarinta Haweenka & Daryeelka Qoyska oo kaashaneysa Booliska Soomaaliyeed iyo hay’adaha daneeya arrimahan ayaa doorkooda noqon doona dabagalka, hirgelinta iyo fulinta mashruucan oo bulshada soomaaliyeed gaar ahaan haweenka wax weyn ka tari doona sidii loo heli lahaa jawi nabadeed oo lagu badbaadinayo Haweenka Soomaaliyeed.

Shirkan oo ka dhacay magaaalada Nairobi ee dalka Keenya waxaa wafdiga ka qaybgalay ee dhinaca dowladda horukacayey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Daryeelka Qoyska iyo Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Waxaana ka horeeyey shirar ay Wasaaraddu la yeelatay mas’uuliyiinta AMISOM ee Muqdisho ku sugan oo ka wadahadlay qaabka loo fulin lahaa barnaamijkan oo ah mid ay bulshadu u baahan tahay.
18ka bisha Juun 2012 Waxay Wasaaraddu qaban-qaabisay kulan looga hadlayo

Doorka Haweenka iyo ka-qaybgalka siyaasadda oo lagu qabtay Xarunta Xalane. Kulankan oo ay ka soo qayb-galeen qaybaha muhiimka ah ee bulshada Soomaaliyeed sida guddoomiyeyaasha ururada haweenka 16ka degmo, Wakiilada Ururada Bulshada Rayidka iyo Xildhibaano iyo Wakiilo ka socda AMISOM.

Kulankan oo ay si rasmi ah u furtay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Daryeelka Qoyska Marwo Maryam Aweys Jaamac oo ka hadashay dareenkeeda ku aaddan Haweenka soomaaliyeed iyo marxaladaha haweenka ay soo mareen, sidoo kale doorka ay ku yeesheen wadahadalada dib u heshiisiinta soomaaliyeed iyo xilliga maanta la joogo sida ay qayb muhiim ah uga noqon lahaayeen isbeddellada cusub ee siyaasadda waddanka laga sameeynayo kuna

yeeshaan 30% dhinaca siyaasadda, Barlamaanka iyo qaybaha kale ee maamulka dowladda la filayo in looga baxo ku meel-gaarnimada waqtiga dheer qaatay.

Sidoo kale waxaa kulanka ka soo qaybgalay Wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador Augustine Mahiga oo ka hadlay una boogaadiyey haweenka Soomaaliyeed inay u istaagaan sidii ay qayb uga noqon lahaayeen maamulada ka jira waddanka wuxuu Haweenka uga mahad celiyey dadaalka ay ka muujiyeen labada shir ee lagu qabtay Magaalada Garoowe ee looga hadlay masiirka Wadaanka iyo mustaqbalka umadda Soomaaliya. Wuxuuna haweenka u rajeeyey in ay dowladdu tixgelinayso qoondadooda 30%

Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Daryeelka Qoyska oo ay mas’uuliyadeedu tahay sidii loo horumarin lahaa bulshada nugul waxay xoogga saareysa habka ugu wanaagsan ee loo caawini karo bukaanada la il-daran xanuunka HIV/AIDS oo runtii ah xaalad ku cusub ummadda Soomaaliyeed.

Tan iyo xilligii dagaalada sokeeye ay waddanka ka qarxeen ummadda soomaaliyeed waxaa la soo gudboonaaday socdaalo ay nolol iyo nabad ku raadinayaan waxaana xaaladahan qaarkood ay bulshada soomaaliyeed kala kulmeen dhibaatooyin badan oo isugu jiray cuduro iyo xaalado kale.
Si haddaba loo helo dariiqa ugu wanaagsan ee lagu taakuleyn karo bulshadana looga dhaadhicin lahaa in ay dadkani yihiin qayb ka mid ah bulshada loona baahan yahay in aynu ku daryeelno xaaladda ay ku sugan yihiin. Wasaaraddu waxay shir la qaadatay taariikhdu marka ay ahayd 20ka Juun 2012 hay’adda SCAC oo ah hay,ad runtii xoogga saartay sidii loo daryeeli lahaa bukaanadan isugu jira rag , dumar iyo carruur.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka waxay taariikhdu marka ay ahayd 4ta July 2012 kulan la qaadatay Xirriiriyaha UNAIDS Renu Chahil, oo mas’uuliyadoodu tahay daryeelidda bukaanada xanuunka AIDSka waxay ka wada hadleen sidii loo bilaabi lahaa wacyi-gelinta iyo baraarujinta bulshada taas oo meesha ka saareysa in la faquuqo dadka xanuunkan la il-daran.
2da ilaa 14ka bisha July 2012, Wasaaraddu waxay ka qaybgashay Tababar lagu qabtay Dalka Uganda. Tababarkan oo ku saabsanaa Maamulka Maaliyadda Rayidka (Public Finance Management) waxaa soo diyaariyey Machadka HESPI (Horn Economic and Social Policy Institute) waxaana maalgelinaayey Bangiga Adduunka (World Banka halka ay duruusta loogu talagalay tababarka ay bixinaysay Machadka Maamulka Uganda, (Uganda Management Institute).

Waxaa Wasaaradda ugu qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda oo ka mid ahaa 14 Agaasime oo ka qayb-qaatay tababarkan.
Sidoo kale waxaa goob-joog ka ahaa tababarkan Madaxda Kaabayaasha Dhaqaalaha sida Hanti-dhowrka guud, Gar-yaqaanka Dowladda iyo xubno ka socday Maamulka Barlamaanka. Waxaa xiritaanka Tababarkan ka soo qaybgalay Ku-simaha Safiirka Soomaaliya ee Dalka Uganda Mr. Musse Mohamed Abshir oo shahaado guddonsiiyey ka qaybgalayaasha tababarka.

WD Maryan Aweys Jama
WASIIRADA WASAARADDA HORUMARINTA
HAWEENKA IYO DARYEELKA QOYSKA

3 Comments »

  1. zeinab September 25, 2012 at 6:23 pm -

    Wasiirka runtii aad ayey ugu mahadsan tahay sida wanaagga leh ee ay hawsheeda u gudatay. waana dadka loo baahan yahay in loo daayo hawlaha lagu horumarinayo bulshada weliba haweenka. Wasiir Maryama Kheyr iyo Nasiib wanaagsan ayaan kuu rajeynaya

  2. Dowlay October 1, 2012 at 7:59 pm -

    AAmiin

  3. I Mohamed October 24, 2013 at 7:09 pm -

    Waxqabad muuqda waaye, maashaa allaah