Dadka aan laga warqabin ee ku waxyeellobay qaraxii zoobe oo isa soo taraya

jiinka November 12, 2017 Comments Off

EVSO ORGANIZATION

Heyadda EVSO iyadoo gudaneysa mid ka mid ah ujeeddooyinkii loo aasaasay oo ahaa u doodidda iyo soo bandhigista dadka aan codka buuxda ku leheyn bulshada ee ku nool koonfurta iyo bartamaha soomaaliya, waxey diiwaangelisay kiisas badan oo la xiriira qoysas ku waxyeellobay masiibadii zoobe.

Iyadoo dadka ugu badan ee wax ku noqday qaraxii zoobe ay ahaayeen danyar masaakiin ah ayaa howlwadeenno heyadda ka tirsani waxaey u kuurgaleen kuna booqdeen hoygooda qaar ka mid ah dadkii ay waxyeelladu soo gaartay ee aan helin gurmadkii qaran ee ay ummadda soomaaliyeed wadeen.

Hooyo xamiido waa hooyo dhaawac gubasho  ah ka soo gareen qaarka sare iyo mid ka mid ah lugteeda, waxaase uga sii daran xanuunka iyada haya 2 wiil oo ay dhashay oo midi geeriyooday midina dhaawac fudud ka soo gaaray. Waxaa kale oo ay ku weysay haweeney ay qaraabo ahaayeen oo ay  gaariga bajaajta isla saarnaayeen oo iyana ay iska soo raaceen shabeellaha dhexe.

Iyadoo intaas oo tiiraanyo ah u kulantay qoyskani, haddana waxaa xusid mudan in aanay  helin wax gurmad dhaqaale ah marka laga reebo samarsiin iyo tacsiyeyn ay ka heleen dadka xaafaddeeda ay kuwada nool yihiin.

Dhanka kale faadumo waa gabar adeerkeed iyo 3 wiil uu dhalay ku weyday qaraxii zoobe. Agoonta uu ka tagay adeerkeed ayey haatan heysaa iyadoo murugeysan ayey EVSO u sheegtay in aanay garaneyn wax ay siiso agoonta adeerkeed.

“waa run in ay dad badan heleen gargaar iyo gurmad laakiin wenaga firfircoon yihiin, annaguse ma naqaanno si aan samenno” ayey tiri faadumo ay ilmo ka daadaneyso

Haddaba heyadda EVSO oo ah heyad samafal oo ka howlgasha shabeellaha dhexe iyo gobolka benaadir waxey heyadaha deeqaha bixiya, guddiga gurmadka qaranka iyo dhammaan muslimiinta daafaha caalamka ku nool ka codsaneysaa in ay wixii ay awoodaan ugu soo hagaajiyaan masaakiintaas cinwaanada heyadda EVSO xafiiskeeda Muqdisho.

Ku soo dir tabarrucadaada

+0618270029/+0618130008

Mahadsanidiin

Abdisalam

EVSO projects officer

Email:aalaxeydar123@gmail.com

Comments are closed.