Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa ku guuleystay kursiga Baarlamaanka, kadib markii uu ku soo baxay Doorasho ka dhacday Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.
Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo helay 49 dhibcood ayaa ku guuleystay kursiga Baarlamaanka, kadib markii uu ka guuleystay Maxamed Shuute Xuseen oo la tartamayay, waxaana khasaartay Labo cod.
Ergada ku sugan Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa soo dooranaya xubnaha ay u arkaan in ay u qalmaan xilkan.
sidoo kale , Wasiirka Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Maxamed Cumar Ceymoy ayaa ku guuleystey mid kamid ah kuraasta beesha Shiidle oo lagu tartamay magaalada Jowhar xarunta maamulka Hirshabeelle.
Xildhibaan Maxamed Cumar Ceymoy ayaa waxaa la tartamayay musharixiinta kala ahaa Cabdulaahi Axmed Xuseen iyo Axmed Xuseen Xasan.
Wasiir kalluumeysiga iyo kheyraadka Maxamed Cumar Ceymoy ayaa ku guuleystey codad gaaraya 26 cod halka musharax Cabdulahi Axmed Gaab uu ka helay 14 cod Axmed Xuseen Xasan waxa uu helay 10 cod.
Sidoo kale beesha Shiidle ayaa maanta waxaa tartanka doorashada ay ku lahaayeen kursi ay haweenka ku tartamayeen waxaana kursigan ku tartamay musharixiinta kala ah Dahabo Suusow Maxamuud iyo Faadumo Abuukar Mahdi waxaana ku guuleysatay Dahabo Suusow Maxamuud oo ku guuleysatay 26 cod halka Faadumo Abukar ay ka heshay 24 cod hal codna uu xumaaday.
Xildhibaan Dahabo Susow Maxamud ayaa ku guuleysatay mid kamid ah kuraasta beesha Shiidle oo lagu tartamay magaalada Jowhar xarunta maamulka Hirshabeelle.
Xildhibaan Dahabo Susow Maxamud oo ku guuleysatay doorashada aqalka Hoose ayaa noqoneysa gabadhii ugu horeysay ee ka mid noqotay Xildhibaanada Baarlamaanka oo u mataleysa Beelaha Shiidle .
DAHABOOY DADKA WAA DADKAAGIIYEE DARAJEY DAA’IN KAAGA TUUGAAYEE HOOBALOW DAHABOOY DADKA WAA DADKAAGIIYEE DARAJEY DAA’IN KAAGA TUUGAAYEE WAXAA LAGA TIRIYAY EREYADAASI XAFLAD AY QABATAY HAWEENEYDII UGU HOREYSAY EE XILDHIBAAN QARAN ISUSOO SHARAXDA TAARIIKHDA BEESHA SHIIDLE.
kuraasta Baarlamaanka ee Aqalka sare iyo hoose ee Beelaha Jareer weyne waxaa ku soo baxay mudanayaal iyo Marwoyin kala ah
1. Maxamed Cumar Dalxa (Dib ayaa loo soo doortay)
2. Maxamed Cumar Ceymoy (Dib ayaa loo soo doortay)
3. Cabdulaahi Colaad Rooble (Dib ayaa loo soo doortay)
4 Maryan Aweys jamac (Dib ayaa loo soo doortay)
5. Cabdi fataax Qaasim
6. Dahaba Susow Maxamuud
7. Maxamed Nuur Iftin “Shanbara
8. Fartuun Cabdulqaadir Faarax karama (Xildhibaan Aqalka sare)
Comments are closed.