Wasaaradda Caafimaadka iyo Maamulka Gobalka Banadir ayaa maanta oo ah 07 February 2021 Si wadajir ah usoo Abaabulay Madal Taariikhi ah oo lagu Magacdaray Xafladda Wareejinata Adeegyada Caafimaadka Asaasiga ah ee Gobalka Benadir. Fikirka Wareejinta ayaa kamid ah Dadaalo ay Waasaradda Caafiamadaka ku daadejineyso Adeegyada Caafimaadaka ee Deegaanada Dalka oo dhan taasi oo ah Argti ay Hogaaminayso HE. Dr. Fawziya Abiikar Nuur Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS.
Madasha Xafladda Wareejinta waxaa Goob Joog ka ahaa, Xubno Kasocda Baalamaanka DFS, Madaxada wasaaradda Caafimaadka, Maamulka Gobolka Benadir, Hay’addo kasocda Bahwadaagta Cafimaadka, Ururda Bulshada, Ganacsantada iyo Madax kale. Wasaaradda Cafimaadka waxay si buuxda u wareejisay maanta dhaaman Addeegyada Caafimaadka Asaasiga ah ee Gobolka Banadir kasoo Muddo Wasaaradda Caafimaadka dib u dhis Balaaran ku waday iyadoo dhidibadda u taagatay xarumaha Cafimaadka Dagmooyinka, Dhisidda Hanaanka Maamul iyo Shaqlaale ee heer Dagmo, Qalabeynta Xarumaha degmooyinka, Hawlglelinta iyo Kobcinta Kartadda Shaqaalaha ka hawlagala dhamaan Xarumaha caadimaaadka Dagmooyinka.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa dib u Xoojinta Adeega Caafimaadka Gobalka Benadir soo bilawday sanadkii 2012 Iyaadoo ku guuleystatay Taaba Gelinta Xirmooyinka Caafiamadak Asaasiga ah kasoo dhaaman dalka laga fuliyay. Adeegyada Caafimaadka Gobalka Benadir ayaa hadda ku dhisana Hanaanka Xirmoyinka Caafimadaka Asaasiga oo ah hab isku xiraya Adeega Xarumaha Caafimaadka Degmooyinka iyo Isbitaalada heer Gobal kuwaasoo si dhaw u wada shaqeeya marka xaaladda Bukaanka Jiifa Xarunta Degmada adkaato si loogu gudbiyo Isbitaalada Waaweyn.
Talaabdan Cusub ee wareejinta Adeega Caafimaka Gobalka Benadir ayaa ayaa Kimada Isbadaladda dhawr ah oo mudadii ugu danbeesay ay ku dhiiratay Dr. Fawziya Abikar Nur Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka kuwaaso oo qeyb ka ah Dawlad Wanaaga iyo Hergelinta Nidmaamka Hufnaanta iyo Isla-xisaabka kaaso hadda kadiba Hay’aadha Caafiamadka ee Degaaanada iyo Maamul Goboleedyada ay yeelan doonaan masuuliyada 1aad ee Hawlaha Hurumarinta Caafimaadka Deegaanada iyadoo Wasaaradda Caafimaadkana ay yeelan doonnto Hagidda Hannaanka Caafimaadka Qaranka ee guud ahaan Dalka oo dhan.
Hogaanka iyo Maamulka Wasaaradda Caafimaadka ayaa hadda kadiba ka caawin Maamulaka Gobalka Benadir hergelinta Yoolalka Caafimaadka Qaranka iyo fullinta Siyaad Caafimaadka ee loo dhanayahay si dalka loo gaarsiiyo adeeg caafimaad oo joogta ah, taya leh oo markasta laheli karo.
Comments are closed.