OLOLAHA SOO URUURINTA BAAHIYADA ISKUULADA EE URURKA SOWDO OO SI RASMI AH U BILLOWDAY.

xeydar February 22, 2021 Comments Off
OLOLAHA SOO URUURINTA BAAHIYADA ISKUULADA EE URURKA SOWDO OO SI RASMI AH U BILLOWDAY.

Ururka dhallinyarada Somali weyn Development Organization (SOWDO) ayaa booqasho ku tagay Dugsiga Hoose, dhexe iyo sare ee Al-Naafic oo ku yaalla magaalada Muqdisho, degmada wadajir.

Waxaana si rasmi ah loo daahfuray ololha “soo uruurinta baahiyada iskuullada dalka” oo ay isku xilqaameen dhallinyarada ururkan.
Ardayda iyo maamulka iskuulka ayaa si diiran u soo dhoweeyay in iskuulkoodu noqdo iskuulkii ugu horreeyay ee ay heyadu booqaso ku tagtay gudaha magalada Muqdisho.
Waxaan mar walba garabtaagannahay ardayda soomaaliyeed. Waxaan rajeyneynaa in aynu helno cid nagu garabsiisa howshan aynu billownay ee dhaxalgalka ah.
# SOO URUURINTA BAAHIYADA ISKUULADA#
SOWDO IYO SOMALIA
Xafiiska warfaafinta
+252618162864
Somaliweynorg2019@gmail.com

 

Comments are closed.