JAMCIYADDA SAMAFALKA WAFAA OO DEGMADA BUUR HAKABA KA QAYBISAY RAASHIIN AFUR

jiinka May 14, 2020 Comments Off
JAMCIYADDA SAMAFALKA WAFAA OO DEGMADA BUUR HAKABA KA QAYBISAY RAASHIIN AFUR

Bisha Barakaysan ee Ramadaan waxay Jamciyadda Samafalka Al-Wafaa  Gacan ka gaysataa Inay Sanad Walba Afuriso Dadka Danta yar.

Al-Wafaa Ayaa u suurta gashay inay Maanta Qaybiso Raashiin Qalalan oo Afur ah oo ka kooban ( Bariis – Saliid- Bur iyo Sokor ) waxayna u qaybisay Tira Qoys gaaraysa (150 ) Qoys oo ku nool Degmada Buur Hakaba, Afurkaas Wuxuu ka soo gaaray Jamciyadda Samafalka Aafaaq ee Dalka Kuwayt.

Waxaa ka mahad celiyay Deeqda Raashiinka  Afurka ah ee  Al-Wafaa u qaybisay  Dadka ku nool Degmada Buur Hakaba Mid ka mid  Culumaa’udiinka Degmada, kaasoo ka mahad celiyay Deeqda Ka soo Gaartay Walaalahooda Dalka Kuwayt, Ilaahna waxay uga Baryayaan Cimri Dheer ,Caafimaad iyo inuu ilaahay u barakeeyo Maalkooda.

Waxaa kale oo halkaa ka hadlay Wakiilka Jamciyadda Samafalka Al-wafaa Md: Cali Ibraahim  wuxuuna sheegay in deeqdii soo gaartay ayogu

Tala galay, wuxuuna u mahad celiyay JAMCIYADDA SAMFALKA AAFAAQ EE KUWAYT oo ayada Deqdaas soo Dhiibtay.

 

 

 

Comments are closed.