Soo dhawaw mudane wasiir Eng.Luqman Xaaji Ismanciil Cali
Kulan ay ka soo qeyb-galleen siyaasiyiin, Aqoonyahano iyo dad ka kooban qeybaha bulshada beelaha Jareerweyne ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho, kulankaasi oo lagu soo dhaweeyay magacaabista xubnaha gollaha wasiirrada cusub ee xalay lagu dhawaaqay.
xildhibaanadii hore mudane Muse Wax-garad, Cabdirisaaq cabdi cabdulaahi, Prof. Zubeer iyo Cabdirashiid Cabdulaahi Xaydar oo ka mid ahaa siyaasiyiintii ka hadashay kulanka ayaa sheegay in ay si weyn u soo dhaweynayaan magacaabista gollaha wasiirrada oo sida uu sheegay lagu soo beegay waqti ay siweyn u sugayeen bulshada Soomaaliyeed.
“Kulanka maanta aan halkan ku qabanay waa mid ku saabsan taageerada aynu u heynno xubnaha cusub ee gollaha wasiirradda xalay lagu dhawaaqay, oo ah kuwa waqti badan la galliyay laguna soo xullay aqoonta iyo kartida ay u leeyihiin howsha Qaranka ee lagu aamminay,’’ ayuu yiri Xildhibaan hore mudane Muse Wax-garad.
“Waxaan is leenahay shaqsiyaadka ama xubnaha loo magacaabay Beelaha Jareerweyne wasiirka iyo wasiir ku xigeenka dhamantood waa kuwo ka bixi kara howsha lagu aaminay, gaar ahaan marka la eego waqtiga dheer ee lagu bixiyay siddii loo soo xuli lahaa, sidaa daraadeed kaliya wixii hadda ka danbeeya bulshada Soomaaliyeed waxaa ay uga fadhisaa waxqabad,’’ ayuu yiri siyaasiga Cabdirisaaq Cabdi Cabdulaahi,
Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee xalay ku dhawaaqay xukuumad ka kooban 55 xubnood oo siweyn loogu dhag taagayay magacaabistooda.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
http://jiinwabi.net/
00252 61 5507763
Mogadisho Somalia
Annago ah ururka Haweenka ee Digil iyo mirifle iyo Ururka haweenka ee somaali Bantu ee North America waxaan taageereynaa golaha cusub ee Wasiirada gaarahaan kuwa digil iyo mirifle iyo kuwa Jareerweyn.
Aniga waxaan aad ugu faraxsanahay, jagada loo magacaabay, wasiirka shaqada. Honourable Eng. Luqman Xaaji Ismaciil.Abti hambalyo ayaan ku leeyahay adiga iyo dhammaan golaha wasiirada cusub.