Wafdi ka socday Munazzamatu Al Dawa Al islamiyya oo uu hoggaaminayay Agaasime Goboleedka mudane Khalid Hassan Khalid oo u dhashay dalka Sudan ayaa booqasho ku yimid xafiiska Muqdisho ay ku leeyihiin Munazzamatu Al Dawa Al islamiyya.
Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay Madaxa Xafiiska Muqdishu ee Munazzamatu Al Dawa Al islamiyya Mudane Sayidcali Xuseen iyo xubno kale oo ka tirsan xafiiska, iyadoo wafdigaasi uu soo kormeeray xeryaha barakacayaasha, wasaaradaha ku howlan arriamaha bulshada sida wasaaradda waxbarashada , wasaaradda shaqada, wasaaradda diinta iyo Awqaafta iyo wasaarada gargaarka Aadanaha.
Madaxa Xafiiska Muqdisho ee Munazzamatu Al Dawa Al islamiyya Mudane Sayidcali Xuseen oo la hadlay saxaafadda intii ay ku guda jireen booqashadii kala duwaneyd ayuu u mahadceliyay wafdigaasi booqashada ay ku yimaadeen Muqdisho isagoo tilmaamay in ay dalka ka jirto xaalad adag oo dhinaca nolosha ah iyo in loo baahan yahay mashaariic horumarineyd oo dhinacyo kala gedisan ah.
Agaasime Khalid oo ahaa Madaxa wafdiga hey’adda Al dawa ee Suudaan ayaa sheegay in ujeedada wafdigani ay tahay sidii ay ugu kuurgali lahaayeen Mashaariicda ay ka fuliyaan dalka Soomaaliya iyo xaalada nololeed ee barakacayaasha ku sugan magaalada Muqdisho iyo Nawaaxigeeda.
Wafdigaasi ayaa la kulmay mas’uuliyiinta hey’adaha Dowladda iyo hey’adaha samafalka ee ka howl gala Soomaaliya.
Comments are closed.