{DAAWO SAWIRADA} Gabadhii Ugu Horeysay Ee Ku Guulesatay Doorashada Aqalka Sarre Ee Maamulka Hirshabeelle

xeydar November 30, 2016 Comments Off
{DAAWO SAWIRADA} Gabadhii Ugu Horeysay Ee Ku Guulesatay Doorashada Aqalka Sarre Ee Maamulka Hirshabeelle

 

Doorashada xubnaha aqalka sare ku metalaya Maamulka Hirshabelle oo ka socotay Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle ayaa waxa ku guulesatay Fartuun Cabduqaadir Farax karama oo noqoneysa gabadhii ugu horeysay ee ka mid noqota xubnaha aqalka sarre ee Hirshabeelle,

Xildhibaanad Fartuun Cabduqaadir Karaama oo ka mid aheyd masuuliyiinta u tartamayay Aqalka sare ee Maamulka Hirshabeelle aya waxa la tartamayay Dr Naciimo oo heshay 37’Cod iyo Fadumo Abuurka Mahdi oo heshay 5’Cod halka Fartuun Cabduqaadir Farax karama ay ku guuleysatay codad gaaraya 51’Cod

Fartuun Cabduqaadir Farax karama oo ku guuleysatay doorashada aqalka sarre ayaa ah gabadhii ugu horeysay ee heshay Codad gaaraya 51′ kana mid noqotay Xildhibaanada aqalka Sarre ee Hirshabeelle,

In kastoo ay wali xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle codeynayaan doorashada ayaa Fadumo Cabduqaadir Karaama waxa ay kamid noqoneysaa xildhibaankii 6’aad ee ku guulesta aqalka sare ee maamulka Hirshabeelle,

 

Comments are closed.