Muxiyadiin Maxamed Kaalmoy Wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska dalka oo si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho.

xeydar November 9, 2012 2
Muxiyadiin Maxamed Kaalmoy Wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska dalka oo si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska Soomaaliya mudane Muxiyadiin Maxamed Kaalmoy oo soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa si diiran lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aaden Cadde International Airport, asaga oo ka soo kicitimay Dalka Liibiya uu ka ahaa Qunsulka Soomaaliya.

Munaasabad balaaran oo lagu soo dhaweeynayay Wasiir Kaalmooy oo ay soo qaban qaabiyeen Xildhibaanada Beelaha Jareerweyne ay hor kacayeen Ex Wasiiradii Haweenka iyo Qoyska Marwo Maryan Aweys Jamac, Wasiirul dowlahii Caafimaadka Mudane Maxamed Cumar Maxamud iyo Xildhibaan Prof. Dalxa waxaa ka soo qeyb galay dadweyne aad u faro badan.

 

 

Ururada Bulashada Soomaaliyeed, Oday dhaqameedyo, Xildhibaanadii hore, Haweenka, Aqoonyaahnada iyo Dhalinyaro u badan Beelaha Jereer Weyne oo si xamaasad qiiro badan ku soo dhaweeyey Wasiirka ayagoo ku dhawaaqayey soo dhawow Mudane Kaalmooy.
Maanta ayuu ahaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde mid ay soo buux dhaafiyeen soo dhaweeyayaal u badan Beelaha Shanaad oo hore looga baran in ay si wada jir ah usoo dhaweeyaan Wasiir,

Wasiir Kaalmooy oo shir jaraa’id ku qabtay qolka VIP garoonka diyaaradaha ayaa u mahad celiyay dhamaan ka soo qeybgalayaasha soo dhaweenta qiirada gelisay ee loo sameeyay wuxuuna sheegay sidan “ waan ku faraxsanahay in aan ku soo laabto dalkeyga hooyo, waxaana la gaaray xiligii aan gudan la haa waajibaadka iyo mas’uuliyada la’ ii igmadan, waana waqtigii aan u abaal gudilahaa dalkayga Soomaaliya.

 

 

Waxaan u mahad celinayaa Allah kasokow Dowlada Soomaaliya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisal wasaare Saacid oo ii soo xushay in aan ka mid noqdo golaha wasiirada, sidoo kale Baarlamaanka Soomaaliya waxaan ka rajeynayaa in uu si buuxda u ansixindoono Golaha Wasiirada Cusub” sidaana waxaa yiri wasiir Kaalmooy.

 

 

Dhamaan ka soo qeyb galayaasha oo wejiyadooda laga dheehanayay farxad, reyn-reyn iyo midmino ay u qabaan magacaabista wasiirka cusub ayey Xidhibaanada Beelaha Jareerweyne oo aan u soo kala harin ka soo qeyb galeyn soo dhaweynta wasiirka.

 

 

Dhinaca kale, Wasiirkan cusub ee Howlaha guud iyo dib u dhiska Soomaaliya oo ka soo jeeda beelaha Jareerweyne wuxuuna noqonayaa wasiirkii ugu horeeyay ee Shanta beelood Soomaaliya si siman loogu qeybiyay 10-ka wasiir xilalka golaha wasiirada hadii uu Baarlamaanka Soomaaliyeed uu si buuxda u ansiyo maalmaha soo socda.

 

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

 

2 Comments »

  1. zeinab November 11, 2012 at 7:18 pm -

    Asc waxaan salaamaya Wasiirka iyo Wasiiradda oo runtii aan maqalnay inay muujisay kaalinteeda lagu yaqaanay, Isha baxarka Maryama shankaroon

  2. Daadir haaruun January 15, 2013 at 8:32 pm -

    Bisamilahi raxamani raxim mahada ilahay ba iska leh tan kale xukumada raisul wasare sacid shir doon hambalayo ayaan hada u soo mari naya sida ee u sintey xukumada cusub anigo ku hadlayo afkeyga iyo kan besha jareer weyne ee pundlan ku sugan waxaan aad iyo aad ugu faraxasanahay sida ee u heyshey haqeyda besha jareer weyne waxaan so dhaweyneya wasiirka holaha guud iyo guriyenta mr kaalamoy adeer ilahay haku fududeyo xilka manta lagu dhiibey waxaa tahay wasiir heer qaran ah dalka iyo dadka ba cadaalad ugu shaqey dadka cadaalada deqadey beesha na ka samata bixi muk diga iyo jahaliga wasiir so dhawaaw…thankz