Wasiirka Wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshda Mudane Luqmaan Ismaaciil Maxamed iyo wafdi uu hogaaminayay oo dalka Boqortooyada Sacuudiga uga qeyb galay shirka Wasiirada Arrimaha bulshada wadamada Jaamacadda Carabta oo maanta dalka soo gaaray ayaa ka warbixiyay waxyaabihii shirkaasi looga hadlay iyo go’aanadii ka soo baxay.
Wasiirka ayaa xusay in marti qaad ay ka heleen Jaamacadda carabta, islamarkaana ay ka qeyb galeen fadhiga labaad ee shirka ururka Shaqaalaha Wadamada Jaamacadda Carabta, kaasi oo uu xusay in looga hadlay arrimo kala duwan oo ay ugu muhiimsaneyd in la mideeyo shaqaalaha wadamada carabta.
“Qodobada shirka looga hadlay waxaa ka mid ah Sidee shaqaalaha dalalka carabta loo mideyn karaa, sidiee shaqaale loogu abuuri karaa shaqaalaha iyo side faqriga looga bixi karaa, waxayna ahaayeen qodobo aad u muhiimsan” ayuu yiri Mudane Luqmaan.
Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa daboolka ka qaaday in ay ku dadaallayaan sidii loo horumarin lahaa shaqaalaha rayidka ah ee dowladda, si ay u helaan fursado waxbarasho iyo tababar intaba.
Comments are closed.