ARDAY SAGOOTIN LOOGU SAMEEYAY XARUUNTA MUNAZZAMATU AL-DAWA AL-ISLAMIYYA EE MAGAALADA MUQDISHO

jiinka August 29, 2017 Comments Off
ARDAY SAGOOTIN LOOGU SAMEEYAY XARUUNTA MUNAZZAMATU  AL-DAWA AL-ISLAMIYYA EE MAGAALADA MUQDISHO

 28 arday oo deeq waxbarasho ka heshay jaamacadda Afriiqiya al-Caalamiyah ee dalka Suudaan ayaa munaasabad sagootin ah loogu qabtay  xarunta dhexe ee Munazzamatu  al-Dawa al-Islamiyya ee magaaladda Muqdisho.

 Xafladdan  sagootinta Ardayda waxa ka soo qayb galeen mas’uuliyiin kasocota wasaaradda waxbarashada, guddoonka waxbarashada,   Safaarada  sudan  ee Muqdisho, FPENS, Mas’uuliyiinta Jaamacadaha Dalka  iyo waalidiinta  Ardayda Rag iyo Haween.

Ardaydan loogu deeqay waxbarashada waxay ku baxayaan Iskaashi u dhaxeeya wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, safaaradda Suudaan ee Mugadisho iyo Munazzamatu  al-Dawa al-Islamiyya oo kaalin muhiim ah ka qaadatay deeqda ay ardaydaasni ka heleen jaamacadda Afriiqiya al-Caalamiyah ee dalka Suudan .

Agaasimaha xafiiska Mugadisho ee Munazzamatu  al-Dawa al-Islamiyya Sayid Cali Xuseen ayaa ardayda kula dardaarmay in ay sii wataan waxbarashadooda isga oo kaga digay iney tahriibaan inta ay ku  guda jiraan waxbarashadooda.

“Dardaaran keyga waxaa uu yahay nimanyahow dadaala, sanadkii hore inta waxbaan ku sa gootinay waxaan u sheegay Laba bil ka dib Jaamacadda waa imaanayaa waana tagayaa, waxaan u tagnay ardaydii aan kala dardaarannay tahriibka oo Afar ka mid ah ay tahriibeen”.

 Muxudiin  Axmed  Cabdulaahi oo ka tirsan Gudoonka waxbarashada ayaa farxad ku tilmaamay munaasabaddan ay goob jooga u yihiin, waxuuna yiri “Runtii Munazzamatu  al-Dawa al-Islamiyya  waxey leedahay taariikh dheer, waxaana dirtay  Arday tiro badan oo dunida dacalladeeda wada jooga, waxaana farxad noo ah inaan maanta joogno xaflad aan ku sagootinayno 28 arday oo deeq waxbarasho ka heshay jaamacadda Afriiqiya al-Caalamiyah ee dalka Suudaan,”Ayuu yiri  Muxudiin.

Dhinaca kale, Naciimo Cumar Maxamed oo ka mid ahayd ardaydii deeqda waxbarashada ka faa’ideysaneysay ayaa ka hadashay dareenkeeda iyadoo u mahadcelisay cidii u suurtagelisay iney fursaddan helaan:

“Nimco Cumar Maxamed, waxaan ka mid ahay ardayda maanta ay u suurtogashay iney ka mid noqdaan kuwa wax kasoo baranaya dalka Suudaan, waxaa arrintaa noo suurtogaliyay Jaamacadda al-Afriqiya al-Caalamiyah iyo safaaradda Suudaan oo aan aad uga mahadcelinayno iyo munadamatu al-Dacwa al-Islaamiyaha oo garaba nagu siisay.”

Qunsulka Safaaradda Suudaan ee Soomaaliya Cabdiraxiim Taajud Diin Zeen ayaa isna ka hadlay Jaamcadda Afriiqiya al-Caalamiya tirada ardayda Soomaaliyeed ee dhigataa inta ay le’egtahay waxaana uu yiri:

“Markii halkan la ii soo bedelayay waxaan la kulmay guddoomiyaha jaamacadda Afriqiya al-Caalamiyah Porfessor Kamal Cubayd, waxuuna ii sheegay in tirada ardayda Soomaalida ee jaamacadda dhigataa ay Kun kor u sii dhaafayaan”, ayuu yiri, Qunsulka safaaradda Suudaan ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Ardaydan ayaa la filayaan iney deeqda waxbarasho ee la siiyay ay sida ugu habboon uguna wanaagsan ay uga faa’ideysan doonaan, iyagan ku biiri doona arday dhowr kun ah oo wax ka barata jaamacadaha kala duwan ee gudaha Suudaan.

Comments are closed.