Beesha Carab Soomaali Oo Soo Dhaweysay Qaraarkii Uu Golaha Baarlamaanka Ku Diiday In Dib Loogu Noqdo Doorashada 8-Kursi.

jiinka July 23, 2017 Comments Off
Beesha Carab Soomaali Oo Soo Dhaweysay  Qaraarkii Uu Golaha Baarlamaanka Ku Diiday  In Dib Loogu Noqdo Doorashada 8-Kursi.

Aqoonyahano , Wax garad, Odayaal, Dumar iyo Dhalinyaro ka tirsan Beesha la yiraahdo Carab Soomaali ayaa kulan gaar ah oo looga hadlayay xaalada uu xilligan marayo Dalka Soomaaliya  waxa ay ku yeesheen  Magaalada Muqdisho.

Masuuliyiin  ka tirsan beesha carab soomaali  oo kulankaasi ka hadlay  ayaa  ku eedeeyay  Ex-Xildhibaan Ibraahim Saalax Dayfullaahi inuu  meel kaga dhacay Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya, waxayna carabka ku dhufteen Xildhibaankaasi hore inuu u gefay Xildhibaanada Golaha Shacabka kadib markii uu arin fool xumo ah ku tilmaamay qaraarkii uu Golaha Baarlamaanka ku diiday go’aankii Maxkamada Sare ee ku salaysnaa  in lagu laabto doorashada 8-kursi oo Golahaasi ka mid ah.

Masuuliyiintaasi oo hadalkooda sii wata ayaa ku nuux-nuuxsadey in muddo 12 sanno ah uu si qaldan ugu fadhiyay  kursiga Xildhibaanimo  oo ay leeyihiin beesha Carab Soomaali, iyagoo nasiib daro ku tilmaamay in  Ex-Xildhibaan  hore Ibraahim Saalax Deyfullaahi  uu wali damac kaga jiro sidii uu ku  heli lahaa  kursiga Carab Soomaali  oo haatan ay beeshaasi  si sharci ah  ugu dooratay Xildhibaankii ku matali lahaa Baarlamaanka 10-aad.

”Ibraahim Saalax Deyfullaahi  waxa aan ugu baaqayaa in uu u dhego nuglaado  qaraarkii ka soo baxay Golaha Baarlamaanka oo ay  ku diideen go’aankii Maxkamadda Sare ee ku aadanaa in lagu laabto doorashada  8 kursi oo  kamid ah Golahaasi” ayuu si kulul u yiri Madax dhaqameed ka tirsan beesha Carab Soomaali.

Dhinaca kale, 180 ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa shalay ansixiyay qaraar ka dhan ah go’aankii Maxkamadda Sare ee Dalka ay gaartay May 16, 2017-ka  kaas oo ahaa in lagu celiyo doorashada 8 kursi.

Comments are closed.