Munaasabadda oo ahayd ujeedadeeda daah furka wajiga labaad ee taba bar lagu baranayo sidii dhalinyarada iyo caruurta loogu abuuri laha shaqo islamarkaana loo daryeeli lahaa ayaa maanta lagu qabtay guriga hooyooyinka ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb galeen munaasabadaasi xubno ka tirsan guddiga adeega bulshada ee Baarlamaanka Soomaaliya, qaar ka mid ah agaasimayaasha waaxaha Wasaaradda horumarinta adeega bulshada, guddoomiye ku xigeenka ururka Haweenka Qaranka.
Agaasimaha guud ee aagaasinka shaqada shaqaalaha dhalinayarada iyo isboortiga Aweys Sheikh Xadaad oo furitaankii munaasabadda ka hadlay ayaa tilmaamay in aysan jirin meel ay ka helaan shaqo nabdoon dhalinayarda iyo caruurta balse wadiiqada kaliya ee loogu abuuri karo fursadahaasi shaqo ay tahay in ay helaan waxbarasho iyo caafimaad lacag la,aan ah oo uu xusay in taasi ay u sahalayso waalidka in ku hago sidii caruurta ay u heli lahaayeen nolol wanaagsan.
Xildhibaan Maryan Aweys jaamac oo ka mid ah guddiga adeegga bulshada ee baarlamaanka dalka oo halkaasi ka hadashay ayaa tibaaxday in tababarka noocaan oo kale ah uu yahay mid loo baahnaa islamarkaana u gogol xaaraya dhowrista xuquuqda caruurta iyo dhalinyarada, iyadoo tusaale ahaan u soo qaadatay in boqol shan iyo tobon milyan oo caruurta da’doodu ka yar tahay 18 loo isticmaalo shaqo ka weyn tankooda taasi oo ay tilmaantay in qatar ay galinayso maskaxdooda iyo koriimadooda.
xoghayaha guddiga adeegga bulshada ee baarlamaanka dalka ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay in hiigsiga dowladda uu yahay in boqol kun oo arday ay helaan Waxbarasho lacag la,aan ah 3 sano ee soo socotana dowladda ay ku haminayso in ay waxbarasho hal milyan oo arday helaan taasina ay fududayneyso in caruurta iyo dhalinayarada ay helaan shaqa nabdoon .
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
http://jiinwabi.net/
00252 61 5507763
Mogadisho Somalia
Dadaalka Allaha ku darsamu kuwa cilmigaas u baahan oo dhan badankooda waa dadkeenna masaakiinta ah.