Odayaal ka tirsan Beesha Shiidle ee Jareer-weynaha Jowhar ayaa ku qanciyay Ciidamadda AMISOM inay ciidamo gurmad ah u soo diraan walaalahood Shiidle.
Saraakiisha AMISOM ayaa inta badan aqbalay codsiga Jowhar uga yimid,waxayna ka xumaadeen markii lagu wargeliyay in 20-Tuulo oo Beesha Jareer-weyne leedahay lagu gubay duleedka Jowhar,ayna arintan lug ku yeesheen Ciidamadda Dawladda Federaalka ee tuutaha iska bixiyay kadibna la saftay Jufadda Maxamed-Muuse ee Beesha Abgaal ka tirsan.
Soomaali badan oo dhiig leh ayaa ka carootay in hubkii Qaranka Ciidanka Soomaaliyeed in lagu laayo Beesha Shiidle ee Jowhar iska leh,waxayna ugu baaqeen Dawladda Federaalka ee Muqdisho in la joojiyo xasuuqa iyo tuulooyinka laga gubayo dadkii asalka u lahaa Degmadda Jowhar.
Ciidamadda AMISOM ayaa la filayaa maalmaha soo socda inay bad-baadiyaan magan-gelyana siiyaan Beesha Shiidle oo walaalahood AMISOM ku qanciyay inay isla yihiin Bantu.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
http://jiinwabi.net/
00252 61 5507763
Mogadisho Somalia
asalamu caleykum radio jiin wabi horta aniga waxaan ahay qurbo joog lakiinse waxaan aad ujeclahay website kaan .lakiinse wararkiina ma ahan mid malin walbo soo baxo sida aan u arkay waa soo daahaa website yada kale warar ka jawhar waay lasoo dhaqsadaan oo aqbaartooda halkaas ayaan kala socdaa walibo ani waxaan daneyaa arimaha jawhar madama aan kasoo jeedo waa website kiin is dhahaayey tilaawabo walbo oo kadhaco jawhar wuu kuu soo gudbinyaa lakiinse idinka ma awoodiin mar xoogaa warar ka jawhar isha safiican ugu qabta