Ilaa kun iyo shan boqol haween oo wata caruurtooda ayaa ku sugan Xarun AMISOM in ka badan 40 haween ayaa qeybta caafimaad ee Ciidamada AMISOM ku leeyihiin garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar loo geeyay daryeel iyo Umulin , kuwaasoo dhibaatooyin kala soo kulmay dagaaladii maalmihii u dambeeyay ka dhacayay duleedka bari ee magaalada Jowhar.
Haweenkan iyo caruurtooda ayaa xaalado nololeed ku heystaa Teendho looga sameeyay garoonka diyaaradaha oo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada AMISOM, waxaana ku jira ilaa 30-haween uur lahaa, kuwaasoo markii ay ka soo barakaceen dagaalada ku umulay wadada.
Haweenkan ku soo umulay wadada, intii ay ka soo cararayeen dagaalada ayaa dhowr teendho looga sameeyay garoonka diyaaradaha Jowhar ku heysan wax daawo ah iyo daryeel caafimaad oo guud, marka laga reebo daawooyinka ay isticmaalaan Ciidamada AMISOM ee loogu tala galay askarta ku dhaawacanta dagaalada.
Qaar ka mid ah haweenkan ayaa sheegay in ay kala firxadeen, qaarna wabiga ku dhinteen, qaarna dagaalada, waxaana ku jiray haween ragooda ku dhintay dagaalada oo asay u saarnaa.
Sidoo kale ma heystaan wax cuno ah, sariir ay jiiftaan, iyadoo dhulka u yaalo kaliya darin iyo go’o ay caruurtooda dhulka ka xijinayeen.
Dhibaatooyinka uu geystay dagaaladii maalmihii la soo dhaafay ka dhacay duleedka bari ee Jowhar ayaa saameyn ku yeeshay caruur iyo haween, kuwaasoo ay ku guryo beelay dagaalada markii tuulooyinkooda laga soo gubay.
Magaalada Jowhar ayaa wali ku jirta go’doon, iyadoo aanay jirin meel sahayda loo marsiiyo dadka ku dhiibaateysan ee ka barakacay fatahaadaha iyo colaadaha, marka laga reebo in diyaarad lagu geeyo.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwabi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Gudoomiyaha degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) ayaa maanta soo qaban qaabiyay kulan dhaqaale loogu yaboohay dadkii ay sameyeen dufaanadii ku dhiftay Puntland Iyo Sidoo kale colaada iyo fatahaada ka taagan Gobolka sh/dhexe.
Kulanka oo ahaa mid aad u balaaran ayaa waxaa kasoo qeyb galay Masuuliyiin kala duwan iyo qaar kamida Ururada bulshada rayidka.
Gudoomiye Axmed daaci oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay muhiim tahay u gurmashada dadka ay dhibaatadu ku gaartay,Waxana uu carabka ku dhiftay in maamulka iyo shacabkiisa ay diyaar u yihiin u gurmashada dadkaasi isagoona balan qaaday 10-kun oo dolarka Mareykanka.
Waxaa jiray sidoo kale dad haween u badnaa oo iyana lacago kale yaboohay iyo kuwa sheegay in ay kusoo shubi donaan Akoono loogu talagay in lagu uruuriyo lacagtaasi.
Aaaah, Runtii waa arin aad loogu xumaado,in Dad soomaaliyeed oo maata ah,guryahooda Gardara-cad looga soo saaro,kadibna ay banaanada&dariiqyada ay ku umulaan,waxaa waajib muqadas ah,in leeyska dhiciyo,waayo Dulmi Rabiga khaalaqa ah,ayaa nafsadiisa ka xarimay,in wax la dulmiyo ama dulmi loo gar-gaaro waxaa lagu muteeysanaa NAAR,Qofkii Dulmigaas is qaban waaya oo ku jihaadi waayo asagana waa Reer-Naareed,waxaan leeyahay ISKA DHICIYA (NIMAAN SHANTAADA KAA REEBIN SHARCI KAAMA REEBO)