Iyadoo dhibaatooyinka isugu jira Saameynta Fatahaadaha iyo Dagaalo beeleedyada sii lixaadsanayaan ayaa hadana waxaa isa soo taraya baaqyada Nabadeed ay jeedinayaan Waxgaradka,aqoonyahanada ku dhaqan Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Nabadoon Ibraahim Abuukar Cabdi wuxuu ka mid yahay Nabadoonad Gobolka Sh,Dhexe dadaalkana ugu jira sidii lagu hakin lahaa dagaalada Gobolka ka socda, ayaa isagoo la hadlayay warbaahinta Jiinwabi.net wuxuu ugu baaqay Ciidamada AMISOM ee ku sugan Gobolkaasi inay kala dhex galaan dhinacyada dagaalamaya oo dagaalkooda maalinba maalinta ka danbeysa sii xoogeysanaya.
Wuxuu sheegay Nabadoon Ibraahim Abuukar in AMISOM awood buuxda ay u leedahay inay damiso dabka ka shidan labada beel ee diriraya,isagoona cod dheer kaga codsaday inay arintaasi u istaagaan oo ay joojiyaan dhiiga shacabka ee daadanaya.
Nabadoonka oo hadalkiisa sii wada ayaa intaasi raaciyay in dhibaatada ugu badan dagaalka ay gaartay dadka rayidka ah ee lagu kor dagaalamayo,wuxuuna sheegay in markii dadka ay isku dayeen inay ka baxsadaan gumaca iyo baaruuda rasaasta ku dhamaanayaan Wabiga, halka qaarkooda duurka ay ku cunayaan Xayawaanada sida Yaxaaska oo Biyaha Fatahaada soo raacay.
Waxgaradka iyo Shacabka ka soo jeeda Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa arintaan waxay ku dhaliileen Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe inay ka seexdeen oo ay iska dhega tireen inay waxka qaban waayeen dhiiga shacabka ee daadanaya ayaa markii ugu horeysay maamulka uu eedeyntaasi ka hadlay.
Gudoomiye ku xigeenka dhanka Siyaasada Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe Yuusuf Cabdi Cabdule ayaa isagoo ka jawaabaya Eedeynta loo jeediyay wuxuu sheegay inaysan jirin wax lagu dhaliilo maadaama halka dagaal beeleeyada uu ka soconayo aysan ka howlgalin ciidamada Dowlada Soomaaliya.
Deegaano dhanka Bari ka Xiga magaalada Jowhar oo ay ugu yaraan ilaa iyo 10-km u jira ayay dagaalada ka socdaan,waxaana dagaal oo dib u bilowday maalintii Arbacada ahayd soconayana ilaa iyo shalay ayaa waxaa sida wararka aynu ku heleyno ku dhintay dad ka badan 20-Qof.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Arbacdii gaaray Jowhar,wuxuu ku baaqay in la joojiyo dagaalka,isagoona sheegay inuu maqlay in dagaal uu ka soo cusboonaaday Deegaano ka tirsan Shabeelaha Dhexe.
Labada Beel ee iminka dagaalkooda soo cusboonaaday ayaa horay waxaa u dhexmaray heshiis ka dib is gaad gaad dad badan ay ku nafwaayeen oo dhexmaray.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwabi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Viva Beelaha Jarer Weyne