Dagaalo beeleedyo ayaa dib kaga soo cusboonaaday deegaano hoostaga Degmada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha dhexe, halkaasi oo dad gaaraya 10-ruux ay ku geeriyoodeen.
Dagaalka ayaa dib kaga soo cusboonaaday deegaanka lagu magacaabo Jiliyaale oo ka tirsan Gobalka Shabeelaha dhexe, halkaasi oo labada maleeshiyo beeleedka ay kuwada dagaalameen dadna ay isaga dileen.
Qof kamid ah dadka deeganka ayaa Jiinwabi.net usheegay in dagaalka uu ka biloowday kadib markii mid kamid ah labada beel ee dagaalantay ay sameeyeen arbushaad ku aadan rag kasoo jeeda beesha kale oo ay dhaawaceen, taasi oo ka cadheysiisay beesha dadka laga dhaawacay, jawaabna ku bixiyeen dilal ay ugeystaan rag kale oo kasoo jeeda beesha kale.
Dadka la dilay ayaa gaaraya ilaa 10-ruux kuwaasi oo isugu jira rag iyo dhalinyaro, waxaana lasoo sheegayaa inuu ku jiro macalin Dugsi Qur’aan oo ku yaala deegaanka Jiliyaale oo kooxda maleeshiyada ah ay dishay.
Maamulka Gobalka Shabeelaha dhexe, ilaa iyo iminka kama aysan hadlin wararka ku aadan dagaalka dib kaga soo cusboonaaday Gobalka Shabelaha dhexe.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwabi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
waryaada diig ma lihidiin miyaa iska celiya bagaal waa kii baldoos camal aan beeraha ugu falan jirnay oo aan canbulo anjag ah siin jirnay ayaa kibirkaan bilaabay jarjara kaad qabataan ayagaa nabada waxay tahay fahmi doone
jareeroow maanta ayaa nalaga rawaa inaan dhiig yeelano hadii na lugu gumaadaayo dhulkeena hadana madax isku sheega aysan ka hadlaynin asagoo weliba meesha joogo waa wax maanta aan ka ciishoono anigoo nin rag ah waxaan u ciishooday inaan dagaalka aan ka qeeb qaato