Beelaha Walamoy Jareerweyne iyo Max’med Muuse Abgaal oo ku dagaalamay Duleedka Magaalada Jowhar.

xeydar October 19, 2013 2
Beelaha  Walamoy Jareerweyne iyo Max’med Muuse Abgaal oo ku dagaalamay Duleedka Magaalada Jowhar.

Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in dagaal beeleedyo ay dib uga qarxeen deegaanno hoos yimaad magaalada Jowhar.

Ugu yaraan hal qof oo dhinacyadii dagaalamayay ah ayaa dhintay 3 kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii ay dagaalameen laba maleeshiyo beeleed.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in maleeshiyaad kala taabacsan beelaha Max’med Muuse Abgaal iyo Walamoy Jareerweyne ay ku dagaalameen deegaanka Geedo Barkaan oo 2 KM ujirta magaalada Jowhar.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in labada dhinac ee colaaddu u dhaxayso ay abaabullo iyo dhiillo colaadeed ka wadaan gudaha Jowhar iyo tuulooyinka hoos yimaad,dagaallo sedax bilood ka hor ka dhacay shabeelaha Dhexe ayay labada dhinac isaga dileen inkabadan 15 qof.

 

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwabi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

2 Comments »

  1. xamza October 22, 2013 at 5:17 pm -

    sh\dhexe jareerweyne ayaa is kaleh abgaalna waxba uma yalo waxaan leyahay abgaal meesha ha isga cararaan in teeysan ku baa bihin shit

  2. Jareer weyne December 10, 2013 at 10:19 am -

    JAREER WEYNE SIDII HORE MA AHAN WAXAA U YIMID RAG AY ISKU MEEL KASOO JEEDAAN OO KA DHASHAY BEESHA JAREER WEYNE UGANDA (AMISOM) HUB AYEYNA SIIYEEN ,MARKA ABGAAL WAA HURDEYSAAN EE YAAN BARTIINA LA WEYNIN DHULKA LEYSKU HEYSTANA WAXAA ISKA LEH JAREER WEYNE,