Maamulka gobolka Shabeelada Dhexe, ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Jowhar oo iskaashanaya ayaa ku guuleystay iney yareeyaan saameynta fatahaada Wabiga Shabelle uu ku yeeshay magaalada Jowhar
Iyadoo maalmihii la soo dhaafay wabiga Shabeele uu ku tahahay xaafado ka mid ah degmada Jowhar ayaa dadka ku nool degmadaasi iyo maamulka oo iskaashanaya waxa ay ku guuleystay iney hakiyaan biyahaasi, iyagoo isticmaalaya Baldoosarro iyo gacmahooda.
Bishii la soo dhaafay ayey biyahani soo dhhaafeen gidaar loogu talagalay in magaalada looga celiyo fatahaada, kadibna biyahaasi ayaa ku baahay xaafado ka mid ah degmadaasi oo dadkii deganaa ay isaga barakaceen.
Dadaalka ay muujiyeen maamulka iyo bulshada ku dhaqan degmada Jowhar ayaa noqday mid miro dhal ah,
Iyagoo ku guuleeystay iney biyihii u weeciyaan jaho kale, waxaana hoos u dhacay biyihii soo galayay magaalada, taasina waxey hakisay dad badan oo ka barakici lahaa xaafado hor leh oo ka mid ah degmadaasi.
cumar c/rashiid
cumarrashiid@gmail.com
waa ilaahey mahadiisa in lagu guuleysto celinta biyaha in kastoo weli aan jirin isku haleen la dhihi karo waa laga nabad galay biyaha, arintaanoo kalena waxaa looga baahnaa in dowlada ay u sameyso dad ama hey’ad ugaar ah arimahan si loo badbaadiyo dadka iyo duunyada iyo deegaankaba shacabkana wey dadaaleen ilaaheyna wuu la garab galay maasha’allaah.