Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh/dhaxe ayaa Sheegaya in dhaq dhaqaayo Ciidan Maamulka gobolka sh/dhaxe uu ka wado Deegaanno ka tirsan Gobolka Sh/dhexe.
Ciidamo Farabadan oo magaalada jowhar lagu dhex arkayo kuwa Maamulka Gobolka Sh/dhexe ka tirsan iyo gaadiid Dagaal ay wataan.
kuwaasi oo sida dadka degaanka ay Saxaafada u sheegen ku wajahan Deegaanad weedow iyo Moyongaale oo Shalay dagaal Culus uu ku dhexmaray Ciidamada Maamulka Sh/dhaxe iyo Ciidamo Maleeshiyo beeleed ah.
Waxgarad ka soo Jeeda Gobolka Sh/dhexe ayaa ku eedeeyay Maamulka Cabdi Jiinow in dhibaato uu ku hayo deegaanno ka tirsan Gobolkaasi,
Islamarkaana uu duulaan ku yahay mid ka mid Beelaha Dega Gobolka Sh/dhexe.
Shalay ayey ahayd markii Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maleeshiyo Beeleed ah ay ku dirireen deegaanno ka tirsan Gobolka Sh/dhexe ,dagaalkaasi oo ay ka dhasheen Khasaaro isugu Jiro dhimasho iyo dhaawac.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Dowlad isku sheega waa qabaaa il waxeeyna doonayaan in qabiilkii dhulka lahaa ay sal guuriyaan
war ka dhiidhiya qorshahooda soo jireenka ah ee ay ku gumaadayaan qabiil kasoo jeeda beesha jareer weyne