Dagaal Ka Dhacay Degmada Jowhar Ee Gobalka SH.Dhexe

jiinka June 15, 2013 2
Dagaal Ka Dhacay Degmada Jowhar Ee Gobalka SH.Dhexe

Duleedka Magaalada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in halkaasi uu ka qarxay dagaal udhaxeeyay ciidamada Dowladda iyo maleeshiyo beeleed hubaysan.

Waxaa la sheegayaa inuu ka dhacay Dagaalka tuulo lagu magacaabo Timire oo 6-km dhanka waqooyi ka jirta Degmada Jowhar ee Gobalkaasi.

 

Ilaa hada lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi,waxaana wararka ay sheegayaan in ciidamada Dowladda Soomaaliya oo doonaye inay soo qabtaan maleeshiyaadka hubaysan wadada loo galay.

 

Dagaalkaan ka dhacay Gobalka Shabeelaha dhexe ayaa waxaa uu salka ku hayaa aanooyin qabiil ah,

Ciidanka Dowladda ayaa doonaye in maleeshiyaadka dagaalamay ay hubka ka dhigaan.

 

Degmada Jowhar iyo tuulooyinka ku dhaw-dhaw ayaa waxaa ka taagan xiisad udhaxeysa labo maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada daga.

Maamulka Gobalka Shabeelaha dhexe oo aan la xiriirnay ayaan suuragalin inaan helno si aan wax uga ogaano dagaalka ka dhacay duleedka Degmada Jowhar.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

2 Comments »

  1. isxaaq lamumba June 18, 2013 at 6:50 am -

    bahda jiin wabi waa ku faraxsaahay howsha aad uheysiin bulshada

  2. isxaaq lamumba June 18, 2013 at 6:52 am -

    waxaan idinka codsanaa in aad badisan suuganta beeralayda si aan ugu faa idaysano ama an u brano dhaqankeena soo jireenka ah thank u