Kulan aad u balaaran oo ay ka soo qeyb galeen Nabadoono, Siyaasiyiin, Aqoonyaahno, Dhalinyaro, Haween iyo waxgarad oo lagu taageerayay Todobada Xildhibaanada Cusub ee Beelaha Jareerweyne kamid noqashada Baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa lagu qabtya Hotel city Place ee Magaalada Muqdisho.
Madasha kulan ee hotel city oo ay isugu yimaadeen Qado Sharaf in kabadan boqol qof oo ay ku jireen Xildhibaadadii hore oo haatan waayay xubinnimada ayaa si wada jir ah halkaasi ku wada qaatay Qado sharafka lagu casuumay oo ay soo qaban qaabiyeen golaha midnimada saldanada Beelaha Lexda Shiidle, ka soo qeyb galayaasha kulan ayaa wajiyadooda laga dheehanayay farxad iyo u hambalyeenta walaalahooda ku biiray Xildhibaanada Qaranka Soomaaliyeed.



Kulankan lagu taageerayey Xildhibaanada oo ay ka hadleen Odayaal Dhowr ah iyo siyaasiyiinta jareerwene ee daga deegaanka G/shabelada Dhexe ayaa ka mid ahaa Nabadooka Beesha Kaboole, Nabadoonka Beesha Mahuraan iyo Naboonada Lexda Shidle oo codkooda si buuxda ugu biriyay taageerada xildhibaanada beelaha Jareerweyne .

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ah siyaasiga ugu caansan beelaha Jareerweyne ayaa sheegay in uu aad ugu farax san yahay ka soo qeygal madasha ay ku kulansan yihiin Beelaha Jareerwenye “waxaan leenaha taariiq soo jireen ah aan leysku qaldi Karin, siyaadadana waa mida aan u taagan nahay in aan wax ugu qabano shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan qowmiyada aan ka dhashay ee Jareerweyne, Beelaha Shiidlo waa Indhaha iyo Nabadeyta Jareerweynaha Soomaaliyeed” sidaana waxaa yiri Prof. Dalxa.
Xildhibaanad Maryan Aweys jamac oo aad aad ula dhacsaneey kulanka lagu taageerayay xildhiabaada cusub ayaa tiri “ waa markii igu horeysay in aan ka soo qeyn galo kulan ay isku yimaadeyn dad aad u tiran badan oo jareerweyne ah inta aan ku sugaan Muqdisho ama golaha wasiirada ku jiray ,oo xil la isku taageerayo tani waxay igu dhiiro gelineysa in aan guto waajibaadka iyo xaqa aad igu leedihiin ee xildhibaanimo waxaana balan qaadayaa la jirkiina iyo taladiina in aan u dhego nuglaado”.
“Sidoo kale waxaa qalbigeyga ka tirmi la’ dadkeena soo baro kacay oo xeryaha qaxootiga ku tabaaleysan wax u qabadkooda , waxaana Hooyooyinka kula dardaamayaa in ay caruurta wax baraan” Maryan Aweys ayaa sidaa tiri.
Ugu dambeentii waxaa ka hadashay Xildhibaanka gacanta weyn ka geestay kulanka mudane Xildhibaan Maxamed Cumar Ceymooy oo u mahad celiyay Dhamaan ka soo qeyb galayaasha Qado sharafta lagu taageerayey xildhibaanada jareerweyne waxuuna sheegay in uu dadaal badan u galay ka mid noqoshada Xildhibaanada Cusub waxuuna cadeyaya uu ka soo dhalaali doono doorka ay ku leehiyiin baarlamaanka Soomaaliya
“ waxaan ahay xildhibaan cusub waxaan dalbanayaa isku duubnaansho iyo wado sheqeyn dhexdeena ah xildhibaanada hore waxaa ka rabnaa qibrad iyo waxa ay soo arkeen inay inoo sheegaan, wax garadka jarerweyen waxaad tihiin baalasha aynu ku dooleyno taladiina iyo figradihiina saliimka ah waan soo dhabeynayaa, gobolada ay dagaan Jareerweyen waxaa u raleynayaa horumar iyo Nabad ku wada no laansho Shacabka Soomaaliyeed.” sidaana waxaa yiri Xildhibaan Caymooy.
Dhamaan ka soo qeyb galayaasha kulanka taageerada Xildhibaanada Jareerweyne ayaa ku dhiiro gelinayey Sacab, gabayo iyo maansooyinka Suugaan Beeraleyda Soomaaliyeed Odeygii ugu Da’da weynaa ee ka soo qeyb galay kulanka ayaa u duceeyay Xildhibaanada in Allah la garab galo Mas’uuliyada ay u qaadeen Shacabka Soomaaliyeed.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia
maaasha alaah waxaa leeyahay kuwii wax utara dadkooda iyo daalkooda alle haka dhigo walaalaheega jw waad iiga farxiseen maanta isku duubnidiina waan sugaayay mudo dheerr maasha alaah waa ii farxad waxa nahay jaaliyada jareer weyne ee ku dhqan norway waxaa diyaar u nahay waa adinka