Inkastoo muddo aad u fog ay dadka Soomaaliyeed ku soo dhaqmayeen arrin ku saleysan kala sareysiinta dhinaca qabaa’ilada, iyadoo beelaha qaarkood la liidayo ayaa haatan sanado badan kaddib waxaa nasiib wanaag ah in arrimahaasi ay u muuqdaan in laga gudbi rabo, iyadoo caadooyinkaas xunxun ee aan diinta qabin laga tegayo.
Taariikh ahaan waxaa hubanti ah in qof kasta oo Soomaaliyeed marar aad u fara badan ay dhegihiisa ku soo dhaceen ereyo lagu yasayo qeybo ka mid ah bulsha weynta Soomaaliyeed sida: “Jareerkaan Jareerku dhalay, Addoonyahow, Midgaanyahow, Xabashyahow, Tumaalyahow, Kaba tolayahow, Jaajiyahow, Looma ooyanyahow, Fitiyahow, san ka dhuudhiyahow, qumbeyahow iwm”, waxaana xaqiiqo ah ereyadaasi bah dilka ah inay in badan oo ka mid ah shacbiga Soomaaliyeed ay ku beereen ciil iyo niyad jab aad u ballaaran kaddib kolkii ay ugu muuqatay in lagu heyb soocayo qabiilkii uu Alle ka dhaliyay dartiis, waxaana jaahilnimo ah dadkaasi la ficlayo inay yihiin kuwii bulshada ugu waxsoosaarka badnaa, isla markaana ugu farsamada fiicnaa, iyadoo wax lala yaabo ay tahay dadka sidaasi gudaha Soomaaliya loogu heyb soocayo in marka dibadda loo baxo la sheegto qabiiladooda qurba jaceyl aawgiis iyo raadinta nolosha adduunyo darteed.
Alla…maxey horay u soo dhacday in wiil waxgarad ah heybtiisa qabiil aawgeed in loo diiday gabar uu guursan lahaa, nasiib darradaasi oo wakhti aad u dheer soo jiitameysay ayaa la sheegaa inay qeyb ka tahay waxyaabaha dib u dhigay ummadda Soomaaliyeed isla markaana geeyay halka hoose oo ay iminka taalo.
Iyadoo ay soo xoogeysaneyso falsafadda looga gudbayo “Kani waa addoon gun ah” kaasina “Waa Gob laan dheere ah” ayaa maalinimadii Khamiista ahayd oo ku beegneyd 07-dii bishaan 2013 waxaa markii ugu horeysay mansab sare oo Soomaali ka wada dhaxeeya loo doortay mas’uul ka tirsan beelaha xusulka lagu reebo, waxaana maalintaasi Guddoomiyaha Golaha Salaadiinta Soomaaliyeed loo doortay Boqor Faarax Cabdi Guure oo ka soo jeeda beelaha Jareer Weynta Soomaaliyeed, kuwaasi oo qeyb ka ahaa beelaha la isku yiraahdo “Waa nus” ama “.5″.
Jawaabo kala duwan ayaa laga bixiyay doorashadii mas’uulka Jareer Weyne ee loo doortay xilka ugu sareeya dhaqanka Soomaaliya, waxaana ay dadku u qeybsameen qaar ay hal xiraale ku noqotay doorashadaasi, halka ay qaar kalena ka sheegeen inaanay arrintani ku degdegeyn, balse in badan oo ka tirsan bulshada Soomaaliyeed ayaa doorashadaasi sheegay inay ku farxeen isla markaana ay si weyn u soo dhoweynayaan iyagoo tilmaamay in doorashadaasi ay tahay mid bog cusub u fureysa waayaha ummadda Soomaaliyeed isla markaana caddeyn u ah dhammaanshaha kala sareyntii dhinaca qabiilada Soomaaliyeed.
Dadka shakiga ka muujinaya doorashadaan ayaa waxay ku doodayaan in walaalaha beesha Hiraab ee kala ah: Muddulood iyo Madar Kicis iyo beesha Heridiid iyo qaar ka mid ah beelaha Daarood, Dir, iyo Digil iyo Mirifle inay doonayaan sidii ay ugu adeegan lahaayeen mas’uulkaan la doortay, waxayna dadkaasi ku celcelinayaan markii ay beelahaasi ku heshiin waayeen in midkood uu wax hoggaamiyo inay isku maslaxeen inuu wada horgalo Boqor Faarax Cabdi Guure, taasi oo ay dadku ku macneeyeen inay muujineyso sida ay suuragal u tahay inay berri isbedelaan beelahaasi, maxaa yeelay waa kuwo lagu yaqaano maanta wixii ay doortaan berri inay kahor yimaadaan.
Jid waaye in la doorto nin Jareer Weyne ah, waana wax loo baahnaa in maalin uun la arko ruux ka socda dadka loo yaqaano Jareerweyne oo wax hoggaaminaya, isla markaana lagu aamino jago sare, isagoo hor kacaya dadkii isku tilmaami jiray GOBTA ee keeney burburka dalka iyo baaba’a dadka, sida runta ahna hoggaamiyaha Jareer Weyne ee noqday Guddoomiyaha Salaadiinta Soomaaliyeed waa u qalmaa in darajadaasi iyo mid ka sii weyn loo doorto, maxaa yeelay waa muwaadin ka soo bixi kara jagadaasi iyo kuwa la midka ah.
Wallee…sida xaqiiqda ah Boqor Faarax xilkan kuma helin deeq, fadhi, i sii, hibo, dhaxal iwm ha yeeshee wuxuu ku hantay halgankiisa hoggaamineed, aqoontiisa, kartidiisa, deeqsinimadiisa, dulqaadkiisa, wadaninimadiisa iyo daacadnimadiisa, waxaana madax dhaqameedkaan la isku raacay laga sugayaa inuu la yimaado feejignaan, hal abuur, fiiro dheeri ah, waxqabad, la tashi fara badan, samafal, cadaalad, isku xirka bulshada, nabadeynta iyo dib u heshiisiinta Soomaalida, waxaana la gudboon inuu ka fogaado aarsi iyo wax kasta oo shaki keeni kara, iyadoo uu ka dheeraanayo inuu kala dhaweysto hoggaamiye dhaqameedyada wada doortay.
Warwareegtaa waa silsiladee haddii shalay bilis iyo faradheer oo kaliya xilalka sarsare loo dooran jiray maanta waxay taagan tahay in Jareer uu wax hoggaamiyo, sidaasi daraadeed isbedelkaan bilowday waxa uu mudan yahay in la taageero lana soo dhoweeyo lana xushmeeyo halyeyga Jareer Weyne ee la caleema saaray, maxaa wacay waa muwaadin Soomaaliyeed oo xaq u leh in la doorto oo uu wax hoggaamiyo, waxaana guntii iyo gabagabadii leenahay “Waa daw waana jid in Jareer Weyne la doorto, laakiin waxaa xaq darro noqoneysa in la qiyaameeyo, la iskuna dayo in lagu shaqeysto, iyadoo la iska dhaadhicinayo kani waa JAREER ee muxuu ogyahay, taasi oo aan filayo in wakhtigeedii laga soo gudbay maanta aanay shaqeyneynin.
Waxaa Qoray:
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
wallahi aad iyo aad ayaan ufaraxsanahay maadaama aan arkay website aan leenahay dhashtay weynaaday waxaan raadinaayey website sida aan u awiiri lahaa ee qaas u ah beesha jareer weyne alx maantana alle ayaa mahad iska leh waxaan leeyahay sida websitekan la iskugu raacay in ay beesha jareer weyne isku raacdo ayaan ku boorinayaa ay dhulkooda gacanta ku dhigaan muhiimadda waa in aan helna dhulkeena laga soo saaraa dadka ku8 heysta xooga yhen we are free