Aqoonyahanada Beelaha Jareer Weyne oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho.
Kulan ay isugu yimaadeen Aqoonyahanada Beelaha Jareer Weyne uu soo qaban qaabiyey Boqorka Beelaha Jareer Weyne Eng Faarax Cabdi Guure ayaa lagu qabtay Hotel-ka Wardheer ee Magaalada Muqdisho.
Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa loogu hadlayay Qodobo dhorw ah sida Siyaasadda, Dhaqanka, Arrimaha Bulshada iyo Taariikhdii ay soo mareen Aqoonyahanada Beelaha Jareer Weyne.
Kulanka ayaa diirada lagu saaray caqabadaha haatan hor taagan Siyaasadda Dalka Soomaaliya ee dhanka awood qeybsiga dowladnimo,
“ aqoonyahanada waxay ka gaabiyeen raadinta xilalka ay leeyihiin Qowmiyada Beelaha jareer weyne waxaana hada looga baahan yahay in la dar dar giliyo la kulmidda Xildhibaanada beelaha jareer weyne iyo madaxda ugu sareysa dalka sida Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka, kadib markii ay soo if baxeen xilal badan oo lagu xusi waayey beelaha jareer weyne” sidaas waxaa yiri Cabdi Casiis Muqtaar Macalin ( Qariidi)
“Bahweynta Beelaha Jareer Wenye waxaa haatan lagu qiyaasayaa in ay ka soo kabanayaan dhanka dhaqaalaha iyo Siyaasada 70% marka loo eego sanadadii 1993 ilaa haatan balse waxaa moodaa in si gaar ah loo diidanyahay dhanka mas’uuliyada iyo Xilalka ay mudan yihiin, Dawladahii KMG ee la soo maray waxaa la magacaabi waayey Agaasime Guud, Maareeye iyo Safiir Safaaradeed oo ka soo jeeda beelaha jareer weyne”.ayuu raaciyay Mr. Qariidi.
“Sanadkii tagey 2012 Soomaaliya waxay ka baxday kumeel gaar nimada waxaa la helay dowlada taam ah Xildhibaanada beelaha jareer weyne waxay baarlamaanka Soomaaliya ka waayeen xilalkii ay mudnaayeen hadey ahaan lahayd ku xigeenka baarlamaanka iyo Gudoomiyaasha Gudi hooseedyada baarlamaanka Soomaaliya” sidaasina waxaa yiri Xasan Axmed Muudey.
Kulanka Aqoonyahanada ayaa lagu soo bandhigay Tirada iyo Magacyada Jaamiciyiinta Beelaha Jareer Weyne ee u heelan la shaqeynta Dowlada Soomaaliya.
Aqoonyahanada Beelaha Jareer Weyne ayaa u mahadceliyey dhamaan inta soo qaban qaabisay kulanka iyo qado sharafta Boqorka Beelaha Jareer Weyne uu Aqoonyahanada ku casuumay.
“Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in aan soo xaadiro kulankan Aqoonyahanada oo xamaasadiisu aad u sareysay waxaana idin balanqaadayaa in aan mar waliba sidan oo kale Gogol idinku fidiyo oo aad isku dhaafsaneysaan fikirihiina, Iska war qabkiina iyo Horumar u raadinta Dadka iyo Dalka Soomaaliya” sidaana waxa yiri Faarax Cabdi Guure Boqorka Beelaha Jareer Weyne.
Ugu dambeentii kulanka ayaa lagu magacaabay gudiyo farsamo oo sedax qeybood ka kooban:-
1-Gudiga la xaajoodka xildhibaanada beelaha jareer weyne
2-Gudiga Ururinta Aaraahda odayaasha dhaqanka beelaha jareer weyne
3-Gudiga dar dar gelinta la kulanka madaxda ugu sareysa dalka Soomaaliya.
Kulanka ayaa ku soo idlaaday jawi farxadeed iyo isku soo laabasho kale dhanka gudiyada loo xulay howlaha farsamo.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Aqanyanada beelaha jareer weyne hadeysan indha eysan iska tireynin wey arkan dadkoda dulmiga lagu hayo iyo dacadiga aan marna lo abe yalin marka manta wey dhamatey xiligi cabsiga iyo ashun ku adinki iyo xiligi odi asiga ba ka dhamatey wax kamaqalkisi manta isabadlo badan baa jira dhalanyaradi jareer weynana wax bey fahantey marka dhalanyarooy hurda ka kaca waa xiligeyni baa lagarey