Hooyo Soomaaliyeed oo mar qura Muqdisho ku dhashay afar mataanno ah

xeydar October 13, 2012 Comments Off
Hooyo Soomaaliyeed oo mar qura Muqdisho ku dhashay afar mataanno ah

Hooyo lagu magacaabo Xaliimo Maxamed Cabdi oo ka mid ah qoysas ku soo barakacay magaalada Muqdisho ayaa maalintii shalay waxa ay afar carruur ah ku umushay xero qaxooti oo ku taala Xaafadda Ruushka degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Hooyadan oo ku dhex umushay Aqal cooshad ka sameysan oo xeradaasi ay ka deganayd ayaa sheegtay inay heysato dhibaatooyin xaga dhaqaalaha iyo sidoo kale hoy xumo, ilmahaasna aysan ku dhex heyn karin cooshadahaas oo dhaxan darani hadana ilaah ku maneestay in mar qura dhasho ilaa afar caruur ah.
Hooyadan Soomaaliyeed heesatana xaalado isbiirsaday ayaa dhashay afar caruur ah oo Sadax kamid ah yihiin Gabdho halka kan kalana uu ahaa Wiil kaa oo markii dambe saqiiray oo ilaah uu oofsaday.
Hooyadan Dhibaateesan ayaa xiligan kusugan xaalad iska liidata waxa ay caruurta ay dhashay ay jiifaan Baakado maryo loo saaray sidoo kale maheestaan caano iyo sidoo kale waxyaabaha kale ee laga maarmaanka ah ee Caruurta dhasha u baahanyihiin.
Waxa ayna Sheegtay Hooyo Xaliimo in Ninkeeda aysan mudo il saarin aysana ogeyn halka uu ku dambeeyo ayna ka codsaneyso Dadka Musliinta ah meel kasto ay joogaan in ay soo caawiyaan oo garab siiyaan.
Waxaa durbo u dhaqaaqay Hooyadana dhibaateesan dad badan oo Muxsiniin ah kuwaa oo lacago iyo alaabo aan badneen ay iska uruuriyeen gaarsiiyay si ay kaalmaati uga dhigato.
Waa arin aad ugu yar inta Badan Dalka Soomaaliya in ay ku dhashaan Caruur Mataano ah oo gaaraya ilaa afar caruur ah inkastoo ay Mararka qaar dhacaan lana arko.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.