Wararkii ugu dambeeyay qaraxyo gilgilay magaalada Nairobi iyo saraakiil Kenyaan ah oo ku dhaawacantay

xeydar October 13, 2012 Comments Off
Wararkii ugu dambeeyay qaraxyo gilgilay magaalada Nairobi iyo saraakiil Kenyaan ah oo ku dhaawacantay

Ugu yaraan 3 ka mid saraakiisha ciidamada Kenya ayaa ku dhawaacmay inta la ogyahay tiro kale oo bandanna way ku dhaawacmeen ka dib markii qaraxyo lala eegtay goono ay dadka isugu yimaadaan oo ay ciidamada Kenya ka sameynayeen howlgalo baaritaano ah.
Sida warku sheegayo qaraxa hore oo ahaa mid aad u xoogan ayaa waxa uu ka dhacay xaafadda Islii oo ay ku badan yihiin dadka Soomaalida ah gaar ahaan xaafad lagu magacaabo Juuja Road gaar ahan goob maqaayad ah oo la isugu yimaadi, wuxuuna qaraxaasi yimid ka dib markii ay goobtaasi gaareen ciidamo boolis ah oo ka tirsan kuwa Kenya, kuwaas oo doonayey inay halkaasi baaritaano ka sameeyaan, balse waxay la kulmeen weerarka oo ay ku dhaawacmeen saraakiil ka tirsan ciidanka Kenya.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in goobta uu qaruxu ka dhacya oo ah xaafadda Juja Road ayaa waxaa la sheegay inay ku dhaawacmeen dad badan oo Soomaali iyo Kenyaan isugu jira, waxaana dadka dhaawacmay ka mid ah sedex sarkaal oo hogaamineysay ciidamadii Kenya ee goobta tagay, waxaana la sheegay in goobta ay soo gaareen daqiiqado ka dib ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo baaritaano kala duwan halkaasi ka sameeyay, inkastoo aan la ogeyn inay dad ku qabqabteen iyo in kale.
Qof goob jooge ah oo ku sugnaa goobta ay qaraxyadu ka dhaceen ayaa u sheegay warbaahinta inuu arkayey dhaawaca seddexda sargaal ee Kenyaanka ah oo gaari lagu sii qaadaya si Isbitaal looga gaarsiiyo, wuxuuna intaasi ku daray goob-joogahaasi in markii uu qarixii hore dhacay ka dib haddana wax yar un intii aysan ka soo wareegan uu qarax kale dhacay, kaas oo uu sheegay inay ku waxyeeloobeen dadka intiisa badan.

Sida warku sheegayo saraakiisha ku dhaawacantay qaraxa ayaa waxaa ka mid ahaa taliyaha saldhigga booliska Bangani Mr. Boniface Musyoka, waxaana dhaawaciisa la geeyay isbitaalka Gurunanka Hospital, waxaana la sheegay in qaraxyada ay ahaayeen bam,baanooyinka nooca gacanta laga tuuro, waxaana qaraxyadaasi ka hadlay saraakiil kale oo ka tirsan dowladda Kenya kuwaas oo sheegay in dhaawaxyada soo gaaray saraakiisha ciidanka boolisku aysan aheyn kuwo culus, haatanna ay xaaladoodu fiicantahay.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.