Guddoomiyaha Gobolka banaadir oo xil ka qaadis lagu samaynayo (Guddoomiyaha sharaxan)

xeydar October 13, 2012 Comments Off
Guddoomiyaha Gobolka banaadir oo xil ka qaadis lagu samaynayo (Guddoomiyaha sharaxan)

Ilo ku dhow dhow xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inla bedelayo Guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed tarsan, xilkaasna loo magcaabayo nin lagu magacaabo C/qaadir Cosoble Cali oo ka mid ahaa musharaxiinta u tartamayay xilka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya balse laga guulaystay.
C/qaadir Cosoble Cali ayaa waxaa la sheegayaa in Madaxweyne Xasan Sheekh uu jagadaasi u balanqaaday markii ay socotay doorashadii Madaxweynaha lagu doortay ee dhacday 10-kii bishii September ee aan ka soo gudubnay.
Ilo ku dhow dhow Madaxweynaha ayaa sheegaya in maalmaha soo socda la filayo in xilka Guddoomiyaha gobolka Banaadir loo magcaabo C/qaadir Cosoble Cali.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.