Maleeshiyada al-Shabaab ee ka arrimiya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe ayaa saaka ka billaabay kontaroollada magaaladaas baaritaanno ay ku sameynayaan dadka shacabka ah iyo waxa ay sitaan.
Qaar ka mid ah dadka ku nool Jowhar ayaa Jiinwabi.net u sheegay in maleeshiyo ka tirsan al-Shabaab ay saaka billaabeen inay si gaar ah u baaraan telefoonnada gacanta ee dadka magaalada soo galaya ama ka baxaya.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadkii baaritaanka lagu sameeyay la jir dilay markii lagu akay teleefoonnadooda waxyaabo aysan raali ka aheyn kooxda al-Shabaab, sida heeso.
Xaaladda magaalada Jowhar ayaa saaka kacsan, iyadoo dadweynaha ay sheegayaan in aysan garaneyn sababta ka dambeysa in xilligan ay Shabaab billaabaan baaritaanno ku aaddan teleefoonnada gacanta iyo Qaadka oo la sheegay in uu si dhuumaaleysi ah ku soo galo Magaalada Jowhar.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.