Kadib markii shalay degmada Hobyo ay ku dagaalameen ciidamo ka kala tirsan maamullada Galmudug iyo Ximin Xeeb xilli wafdi uu hoggaaminayay madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Qaybdiid ay shalay gaareen degmadaas iyagoo doonayay inay dayactir ku sameeyaan dekadda degmada Hobyo.
Afhayeenka Ximin iyo Xeeb Maxamed Cumar Hagafey ayaa sheegay in degmada Hobyo ay wada maamulaan Galmudug iyo Ximin iyo Xeeb sidaasi darteed howl kasta oo laga fulinaayo ay khasab tahay in lala socodsiiyo maamulkooda, laakiin waxaa arrinkaas gaashaanka u daruuray madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo sheegay in Hobyo uu ka arrimiyo Maamulkiisa, isla markaana aanay jirin cid ku qabsan karta maamulka magaalada, isagoo ka digay in la huriyo colaad iyo dhibaato sida uu yiri.
Waxa uu Cabdi-qeybdiid sheegay in uusan garaneyn sababta ka dambeysa weerarka lagu qaaday isaga iyo wafdigii la socday, wuxuuna weerarkaasaasi ku eedeeyay inay ka dambeeyeen kooxo burcad badeed ah oo taabacsan maamulka Ximin iyo Xeeb.
Cabdi Qeybdiid oo xalay ku hoyday Hobyo, iyadoo wafdigii la socay oo ay ku jireen xubno ajnabi ah ay dib ugu laabteen Galkacyo, mana la oga qorshaha xiga ee uu Cabdi qeybdiid u dhaqaaqi doono, walow uu qorsheynayo inuu furo Dekeda Hobyo, si ay u noqoto deked wax lagala soo degi kara, taasoo Maamulka Ximin iyo xeeb ay sheegeen inay ka soo horjeedaan.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.