Ciidamada dowladda oo albaabada isugu dhuftay Masaajid ku yaala Muqdisho

xeydar October 12, 2012 Comments Off
Ciidamada dowladda oo albaabada isugu dhuftay Masaajid ku yaala Muqdisho

Masjid ku yaala degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho ayay maanta la wareegeen ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya kadib markii uu sidaasi amar ku bixiyey Guddoomiyaha degmada Huriwaa Cumar Jacfaan.

Sababta keentay in Masjidkaasi ay la wareegeen ciidamada dowladda ayaa lagu sheegay inay tahay shaki ah inay ku tukadaan xubno ka tirsan Al-shabaab wuxuuna Guddoomiyaha degmada Huriwaa sheegay in weerar isaga xalay lagu soo qaaday laga soo abaabulay Masjidkaas.
Waxa uu Guddoomiyaha degmada Huriwaa uu xusay in baaritaan badan oo Masjidkaas ay ku sameeyeen ay ku ogaadeen in qaraxyo iyo dilal badan oo ka dhacay degmada Huriwaa Masjidkaas laga soo abaaulay, sidaas darteed Masjidkaas ay u dhiibayaan dad wadaado ah oo lagu kalsoon yahay sida uu yiri.
Lama oga waxa ka jira eedeyntaas uu Guddoomiyaha Huriwaa u jeediyey Masjidkaas iyo dadka ku tukada, ilaa iyo haddana ma jiro warar rasmi ah oo caddeynaya in Masjidkaasi ku tukadaan dad ka tirsan Al-shabaab.

 

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.