Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo hadalo kulul is-weydaarsaday iyo khilaaf xoogan soo kala dhexgalay

xeydar October 11, 2012 Comments Off
Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo hadalo kulul is-weydaarsaday iyo khilaaf xoogan soo kala dhexgalay

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo doraad gelinkii dambe kulan ku yeeshay magaalada Kampala ee caasimadda dalka Yugandha ayaa la sheegay inay isku mari-waayeen qodobo xasaasi ah oo ku saabsan xaalka Soomaaliya si gaar ah u taabanaya arrimaha amaanka iyo isku dabaridka howlaha maamul u sameynta ee ku saabsan gobolada Jubbooyinka gaar ahaan magaalada Kismaayo oo ay dowladda Kenya dooneyso in iyada looga dambeeyo, isla markaasna maamulka laga dhisi doono ay qeyb weyn ku yeelato.
Kulanka ay yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekha Soomaaliya iyo Kibakiga Kenya oo socday in ka badan waqtigii loo qoondeeyay, isla markaasna la isku mari waayey, ayaa warar laga helay shirka waxay sheegayaan in labada dhinac ay isku mari waayeen arrimaha Jubbooyinka oo Madaxweynaha cusub ee Soomaalidu uu dhawaan sheegay in dowladdiisu ay maamul rayid ah u sameyneyso gobolada Jubbooyinka, waxaana la sheegay in dowladda Kenya ay soo jeedisay in iyada looga dambeeyo arrimaha Kismaayo maadaama ay dhiig badan u daadisay qabashadeeda, taas oo uu Xasan Sheekh ku gacan-seyray, una sheegay Madaxweynaha Kenya iyo wafdigiisa in Kismaayo ay tahay dhul-Soomaaliyeed, isla markaasna aysan suuragal aheyn in dowlad ajnabi ah ay maamusho.
War aynku ka helnay mid ka mid ah wafdiga socda Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya uu dowladda Kenya ku eedeeyay inay faragelin toos ah ku sameysay arrimaha maamul iyo nidaam u sameynta gobolada Jubbooyinka, taas oo uu Madaxweynaha Soomaaliya ku tilmaamay inay tahay mid khaldan isla markaasna baal marsan shuruucda dowladnimada, dowladdiisuna aysan marnaba aqbalikarin qorsha maldahan ee ay wadato dowladda Kenya.
Sida warku sheegayo inti uu shirku socday ayuu Madaxweynaha Kenya ku cabiray howlaha shaqo ee ciidamadiisu ay Koonfurta Soomaaliya ka hayaan, wuxuuna sheegay inay gudaha dalka Soomaaliya u soo galeen badbaada shcabka Soomaaliyeed iyo amaanka dalka Kenya, ayna doonayaan inay ka qeybqaataan maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka oo uu sheegay inay dhiig badna u daadiyeen, waxaana la sheegay in markii shirka la isku mari-waayey in labada Madaxweyne ay ku balameen inay shir kale isugu yimaadaan.
Dadka taxliiliya amaba faaqida arrimaha siyaasadda gobolada Jubbooyinka ayaa sheegaya in haddii Madaxweynaha Soomaaliya uu la imaan-waayo mowqif-wadaniyadnimo oo ku aadan arrimaha Kismaayo in dowladda Kenya ay si toos ah u maamuli doonto magaalada Kismaayo oo ay sheegeen in sababihii ay u soo gashayba ay tahay inay iyadi maamusho magaaladaasi si ay shidaalka ay ka qodeyso dhulka Soomaaliya uga fashilmin, isla markaasna u isticmaasho dekadda Kismaayo, waxayna xuseen in Madaxweynaha Soomaaliya looga baahanyahay in dowladda Kenya u ka diido inay wax lug ah ku yeelato arrimaha Jubbooyinka, haddii ay diidana uu dacwad ka gudbiyo.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.