Dad ka badan 360-ruux oo lagu qabqabtay howlgal ay sameeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya ee magaalada

xeydar October 11, 2012 Comments Off
Dad ka badan 360-ruux oo lagu qabqabtay howlgal ay sameeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya ee magaalada

Ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa nabad sugidda oo kaashanaya ciidamada booliska ayaa shalay howlgalo balaaran oo lagu soo qabqabtay dad iyo waxyaabaha qarxa waxay ka sameeyeen xaafado dhowr ah oo ka tirsan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay howlgalkaasi ka hadleen saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya.

Sida uu sheegay taliyaha ciidanka booliska gobolka Banaadir ciidamada ayaa howlgalka ka bilaabay shalay subax aroortii hore degmada Hodan, wuxuuna intaasi ku daray in howlgalkaasi ay ku soo qabqabteen dad gaaraya 360-qof oo looga shakisan yahay sida uu taliyuhu ku dooday inay xiriir la leeyihiin amaba ay yihiin Xarakada Al-Shabaab, sido kalena taliyuhu waxa uu sheegay inay gacanta ku soo dhigeen bambanaooyin tiro badan kuwaas oo markii dambe la iskugu geeyay Saldhigga Degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir Col.Maxamed Xasan Maalin ayaa saxaafadda u sheegay in howlgalka ay shalay sameeyeen ciidamada dowladda ee Booliiska iyo kuwa Nabad Sugidda uu ahaa mid lagu xaqiijinayo ammaanka magaalada Muqdisho, isla markaasan lagu baarayo xaafadaha Muqdisho si qeybqeyb ah, wuxuuna intaasi ku daray in la sii daayey dad gaaraya illaa 300-qof hase ahatee 60-ka mid ah dadkaasi loo gudbiyey xarunta dembi barista CID-da, kuwaas oo uu sheegay in shakiyo badan oo ku aadan inay yihiin Al-shabaab ay soo baxeen, isagoo sheegay in cid kasta oo aan dembi laheyn la sii deyn doono.

Taliyaha laanta dembi baraista dowladda Soomaaliya Col. C/Laahi xasan Bariise oo isna ka hadlay howlgalka ayaa sheegay in howlgalka inta uu socday lagu soo qabtay 36-bambaano oo nooca gacanta laga tuuro ah, kuwaas oo ah nuuc cusub oo aan hore loo arki jirin lagana soo qabtay guri ku yaala degmada Hodan, wuxuuna ku dooday taliyuhu inay baxsadeen dadkii bambooyinkaasi lahaa ee gurigaasi deganaa.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

 

Comments are closed.