Qayb hor-leh oo Muhaajiriin Soomaaliyeed ah oo laga sii daayay Xabsi ku yaalla Libya

xeydar October 11, 2012 Comments Off
Qayb hor-leh oo Muhaajiriin Soomaaliyeed ah oo laga sii daayay Xabsi ku yaalla Libya

(Tripoli/Libya): Koox hor leh oo Muhaajiriin Soomaaliyeed ah, oo isugu jiray Rag, Dumar iyo Caruur ayaa laga sii daayay Xabsiga “Sabraata” oo 100-km dhanka galbeed ka xiga Caasimadda Dalka Libya ee Tripoli.
Sii-daynta Muhaajiriintan ayaa ka mid ah dadaalka ay Madaxda Safaaradda Soomaaliyeed ugu jirto in dhammaan Muhaaririinta Dhallinyarada ah ee Soomaaliyeed ay dib xurriyaddooda u helaan, lagana saamaxo falka u tahriibidda xagga Dalalka Yurub ee ay ku eedaysan yihiin.

Ku-sumaha Safiirka Soomaaliya ee dalka Libya: Muxyaddiin M.Kaalmoy oo shalay socdaal ku kala bixiyay Xabsiyada Sabraata iyo Sumaan oo ay Muhaajiriin Soomaaliyeed ku xiran yihiin, ayaa codsi qoraal ah u gudbiyay Madaxda ay khuseyso ee Libya,kaas oo uu ku codsaday in la soo dedejiyo sii-daynta: Haweenka, Caruurta iyo Bukaanka ka midka ah Muhaajirrintaas xabsiyada ku jira.

Sida la og-yahay Muhaajiriin Soomaaliyeed, oo ay tiradoodu ka badan tahay 700, isuguna jira Dumar, Caruur iyo Rag ayaa ku jira Xabsiyada Libya. Dhammaan Muhaajiriintaas, waxay ku eedaysan iyiin Tahriib xagga Badda ah oo ay ku maagganaayeen inay ku gaaraan Xeebaha Yurub, siiba talyaaniga iyo Malta

Waxay Madaxda Safaaraddu ku celcelinaysaa, inay dhallinyarada Soomaaliyeed ka waantoobaan: Tahriibka ay naftooda ku tahlukaynayaan. Waxaana la og-yahay in la galay waqtigii bad-xiranka,hawlgallo lixaad leh oo tahriibkaas lagu hor-joogsanayana ay socdaan. Waxaana ciddii lagu helo ay mutaysan karaan Ciqaab isugu jirta: Xarig, Ganaax lacageed iyo Tarxiil.

Xafiiska Warfaafinta ee Safaaradda Soomaalida ee Libya

Comments are closed.