(OIC) URURKA ISKAASHIGA ISLAAMKA OO BALAN QAADAY INAY TAAGEERO SIINDOONAAN SOOMAALIYA

xeydar October 9, 2012 Comments Off
(OIC)  URURKA ISKAASHIGA ISLAAMKA OO BALAN QAADAY INAY TAAGEERO SIINDOONAAN SOOMAALIYA

Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC,prof:Ekmeleddin Ihsanoglu, ayaa sheegay in sii wadi doonaan taageerida ay siinayaan Soomaaliya wajiga cusub sida ay qortay Wakaalada Waraka ee Ahlul Beyt,
Hadalka ka soo baxay Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa imaanaya xilli maalintii shalay wafdi ka socday Ururkaasi ay soo gaareen Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya,kuwaasi oo kulumo la qaatay Mas’uuliyiinta Dowlada ugu sareeysa oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyagoona kawada hadlay arimo quseeya Soomaliya iyo sidii Ururka Iskaashiga qeyb lixaad leh uu kaga qaadan lahaa doorkiisa kaga aadan Soomaliya,

Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa balan qaaday in ay xoojinayaan taageerida Soomaaliya ay siinayaan oo ku aadan dhan walba,
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in Ururka (OIC) door weyn uu ka qaatay wajiga cusub ee Wadanka uu galay,waxa uuna intaasi raaciyay in Wadanka waxbadan ay ka qaban doonaan,

Hayeeshee arimahan ayaa ku soo aadaya ,iyadoo maalintii shalay wafdi heer sare oo ka socad Ururka Iskashiga caalamiga ay soo gaareen Magaalada Muqdisho,


C/rashiid C/laahi Xeydar

Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.