Madaxweynaha Soomaaliya oo kulamo gaar ah kula yeelanaya dalka Yugandha Madaxweynayaal badan oo uu kala hadli doono

xeydar October 9, 2012 Comments Off
Madaxweynaha Soomaaliya oo kulamo gaar ah kula yeelanaya dalka Yugandha Madaxweynayaal badan oo uu kala hadli doono

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay markii ugu horeysay dalka dibaddiisa safar ugu ambabaxay ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Entebbe ee magaalada Kampala ee dalka Yugandha, halkaas oo uu uga qeybgeli doonto maalinta xorriyadda dalka Yugandha.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu dalka Uganda ku tagay casuumaad uu ka helay Madaxweynaha dalka Yugandha Yoweri Museveni oo dalkiisa uu u dabaaldegayo sanadguuradii 50-aad ee ka soo wareegatay xornimada Yugandha, waxaana magaalada Kampala loogu sameeyay soo dhaweyn aad u weyn, iyadoo ay garoonka ay kaga hortageen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Yugandha oo uu ka mid yahay Madaxweyne ku xigeenka dalkaasi.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uusan ka dhoofin garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa uu hadal kooban siiyay saxaafadda, wuxuuna ka warbixiyay safarkiisa iyo waxa uu ku saabsan yahay, isagoo yiri “Waxaan u baxayaa safakeygii ugu horeeyay ee aan dibadda u aado aniga oo Madaxweyne ah, waxaana ka qeybgalayaa munaasabad lagu weyneynayo sanad-guuradii 50-aad ee ka soo wareegtay xoriyadda dalka Yugandha, iyadoo uu igu casuumay munaasabadda Madaxweyaha Yugandha Yoweri Museveni”.
“Si dhaqso ah ayaan dalka ugu soo laabanayaa, waayo shaqooyin badan oo talooyinkeyga u baahan ayaa dalka ka socda, inta aan maqanahayna waxaa howlaha socda lagala tashanayaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa inta uu jooga dalka Yugandha kulan gaar ah kula yeelanaya magaalada Kampala Madaxweynaha dalka Yugandha Yoweri Museveni, kaas oo ay ka wada hadli-doonaan arrimah Soomaaliya iyo ciidamada Yugandha ee jooga Soomaaliya, sidoo kalena sarkiisha la socota Madaxweynaha ayaa sheegay inuu halkaasi kulamo kala duwan kula yeelanayao madax ka tirsan kuwa Afrika ee xafladdaasi ka qeybgalaya, waxayna warar hor dhicihi sheegayaan in dadka Yugandha uu kula kulmayo Madax ay ka mid yihiin Madaxweynaha Masar oo isna xafladdaasi lagu casuumay, inkastoo aan la ogeyn inuu dalkaasi tagayo iyo in kale, sidoo kale Xasan Sheekh waxa uu la kulmayaa Ra’isul wasaraha Itoobiya iyo sidoo kale Madaxweynaha Kenya.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.