Wararka aan la xaqiijin oo ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in magaalada Kismaayo ay gaareen ciidamo ka socda maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.
Sida warku sheegayo ciidamada ka socda maamulka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay inay yihiin ciidamo tiro badan, ayna magaalada Kismaayo ku gaareen Doomo ay ka soo raaceen magaalada Boosaaso hadda ku suganyihiin magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo aan si rasmi ah loo ogeyn sababta ka dambeysay tagitaankooda magaalada Kismaayo.
Dhinaca kale xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabo C/rashiid Maxamed Xidig ayaa beeniyay warar ka soo baxay shalay oo sheegayey in ciidamo ka socda maamulka Puntland ay doomo ku tageen magaalada Kismaayo, wuxuuna xusay Xildhibaanku inaysan jirin sabab ay Puntland ciidamo ugu soo dirto magaalada Kismaayo, wuxuuna wararka sheegaya in Puntland ay ciidamo geysay Kismaayo ku tilmaamay kuwo aan waxba ka jirin, wuxuuna yiri “Ciidamada hadda jooga Kismaayo ayaaba tiradii ka batay ee sidee kuwo kale oo ka socda Puntland loo geeyaa”.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka maamulka Puntland oo beeninaya amaba xaqiijinaya jiritaanka warkan sheegaya in ciidamo ka socda Puntland ay gaareen magaalada Kismaayo, sidoo kalena ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo ururka Raaskambooni oo ku aadan warkan sheegaya in ciidamo ka socda Puntland ay gaareen magaalada Kismaayo.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.