MUQDISHO: Tartanka Xiddigaha Kubadda Koleyga Soomaaliyeed ee 2012 ayaa galabta waxaa uu ka furmay garoonka Degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho waxaana soo agaasimay XSKK iyadoo dhanka maalgelinta ay lahayd Xawaaladda Jubba Express.
Furitaanka Tartankan oo ay ka qeybgaleen mas`uuliyiin kala duwan ayaa ugu horeyn waxaa ka warbixiyay Guddoomiyaha XSKK Ibraahim Xuseen Cali (Roombo) oo sheegay tartankan inay ka qeybgalayaan 6 kooxood oo laga kala soo xulay kooxaha heerka koowaad .
“Tartankan Xiddigaha wuxuu ka mid yahay tartamada aadka loo jecel yahay ee dhanka K/Koleyga, ciyaartoyda xiddigaha waa xulka isku dhafan waxayna ka kala yimaadeen dhamaan Kooxaha, waxaan rajeynayaa in tartankan guul ku soo idlaado, waxaan u mahadcelinayaa Xawaaladda Jubba Express oo guud ahaan maalgelisay tartankan, Maamulka Degmada Xamar Jajab,Ciyaartoyda , Macalimiinta iyo inta gacanta nagu siisay qabsoomidda tartanka.” Ayuu yiri Guddoomiye Roombo.
Guddoomiyaha Degmada Xamar Jajab Maxamed Cali Axmed ayaa dhinaciisa tibaaxay in maamul ahaan ay aad ugu faraxsan yahiin in tartankan ka dhaco degmadooda wuxuu u mahadceliyay XSKK , isagoo kooxaha kula dardaarmay in ay soo bandhigaan ciyaar ku dheehan farsamo iyo asluub wanaag.
Madaxa Xawaaladda Jubba Express ee Koonfurta Soomaaliya C/qaadir Cali Siyaad [Joolaal] ayaa isagana muujiyay sida ay ugu faraxsan yahiin in ay qeyb ka qaataan horumarinta isboortiga, wuxuu ku daray in ay aad ugu mahadcelinayaan XSKK oo ka aqbalay inay maalgeliyaan tartanka xiddigaha K/Koleyga Soomaaliyeed, wuxuuna balan qaaday in Xawaaladda Jubba Express mar walba gacan ka gaysan doonto isdhexgalka bulshada iyo horumarinta Isboortiga .
Kusimaha Guddoomiyaha GOS Xasan Axmed Cabdi [Xasan Elman] oo ku dhawaaqay in tartanku furan yahay ayaa muujiyay in Taariikhda xusi doonta qof kasta iyo hay`ad kasta ee ka qeybqaadata dhiirigelinta isboortiga wuxuu u mahadceliyay Xawaaladda Jubba Express iyo XSKK oo dhexda u xirtay qabashada tartankan.
Ciyaartii ugu horeysay ayaa lagu furay kooxaha Jazeera Hotel Plaza iyo SYAO, ciyaartan oo ahayd mid farsamo qurux badan lagu soo bandhigay, ayaa waxaa si dirqi ay guusha ku raacday 33-31 Xiddigaha Jazeera Hotel.
Si kastaba Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga ayaa shaaciyay tartankan inuu ka kala dhici doono labo garoon oo kala ah Degmada Xamar Jajab iyo C/Casiis, iyadoo labo qeybiyay A iyo B. Waxaana xusid mudan in tartankan daawashadiisa ka soo qeybgalay Mas`uuliyiin ka tirsan Xiriirada kala duwan ee GOS, Xawaaladda Jubba Express , Guddoonka Ururka Dhallinyarada SYAO iyo taageerayaasha K/Koleyga.
Comments are closed.