Al Shabaab Sidee U Arkaan R/wasaaraha Cusub Ee Soomaaliya?

xeydar October 8, 2012 Comments Off
Al Shabaab Sidee U Arkaan R/wasaaraha Cusub Ee Soomaaliya?

Xoogaga Al Shabaab ee dagaalka kula jira Dowladda Soomaliya iyo Ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM ayaa kadib magacaabistii R/wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya waxa ay ka hadleen go’aankooda ku aaddan R/wasaaraha cusub ayagoona sheegay in magacaabista R/wasaaraha cusub aysan waxba ka badaleynin xaaladda dalka isla markaana uusan waxba ka duwaneeyn R/wasaarayaashii ka horeyeay ee soo maray dalka Soomaaliya.

 

Afhayeenka Kooxda Al Shabaab Cali Dheere oo u waramayey wakaaladda wararka Reuters ayaa carab ku adkeeyay inay sii wadayaan dagaalada ay kula jiraan dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.

 

Cali Dheere oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Magacaabista R/wasaaraha cusub waxba kama bedeleyso hadafkeena iyo ujeedkeena kamana duwana kuwii isaga ka horeeyay, waanu sii wadeynaa dagaalka iyo qaraxyada.”

 

Afhayeenka Kooxda Al Shabaab Cali Dheere ayaa sheegay in R/wasaaraha cusub Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) aanu waxba ka bedeli doonin xaalada Soomaaliya, asagoona sheegay in halgankooda uu yahay sidii ay shareecada Islaamka ugu soo rogi lahaayeen Soomaaliya.

 

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe waxaa ay dharbaaxo kulul kala kulantay Ciidamada Dowladda Soomaliya oo garabsanaya kuwal Nabad ilaalinta AMISOM, isla markaana gacantooda ay ka baxeen dhoor magaalo oo muhiim u ahaa jiritaanka Kooxda Al Shabaab ayadoo magaaladii ugu dambeysay ee gacantooda ka baxda ay aheyd degmada Wanleweyn ee gobalka Shabeelaha Hoose.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.