Madaxweynaha dalka Somaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u anbabaxay Magaalada Kampala ee dalka Ugandha.
Madaxweynaha ayaa ujeedada uu u aaday Magaalada Kampala ee dalka Ugandha waxa ay tahay inuu ka qeybgalo 50-sano guuradii kasoo wareegatay markii dalka Ugandha ay qaateen xurnimada.
Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha dalka Soomaaliya kahor inta uusan ka tagin Magaalada Muqdisho ayuu saxaafada la hadlay waxaana uu faahfaahiyay safarkiisa dalka Ugandha.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu sheegay in safarkiisa uu ku tagayo Magaalada Kampala ee dalka Ugandha ay tahay inuu ka qeybgalo 50-sano guuradii kasoo wareegatay markii dalka Ugandha ay qaateen xurnimada.
Wuxuu sheegay in markii uu tago dalka Ugandha uu lasoo kulmi doono madax kala duwan oo dalkaasi ka tirsan iyo sidoo kale jaaliyada dalka Soomaaliya ee Ugandha.
Safarka Madaxweynaha uu maanta uga ambabaxay magaalada Muqdisho ee uu ku aadan dalka Ugandha ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horeeyay ee uu ku aado dalka dibadiisa tan iyo markii lasoo doortay.
kahor inta uusan Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ka ambabaxin Magaalada Muqdisho wuxuu kulan la qaatay wafdi ka socda Ururka Iskaashiga Islaamka oo uu hogaaminaaye Ikmaalu diin Oogle iyaga oo kawada hadlay arimaha Soomaaliya,hamblayana ujeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.