Afhayeen u hadlay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki Moon ayaa sheegay inuu aad ugu murugeysan yahay xaaladda doorashada Barlamaanka cusub ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay ka welwelsan yihiin warar ay heleen oo sheegaya in laga yaabo inuu dib u dhac ku yimaado xulista xildhibaanada cusub iyo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo ka dabamarta waqtigii loogu talogalay.
Sidoo kale afhayeenku waxa uu sheegay in xogahayaha guud ee Qaramada Midoobay uu walaac ka muujiyey dhacdooyinka rabshadaha wata ee ka dhacaya Muqdisho taas oo laga baqi karo inay cabsi geliso hanaanka hadda socda ee looga baxaya KMG-nimada.
Waxa uu afhayeenku ugu baaqay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan xasiloonida, isla markaasna aan dib loo dhigin ka bixitaanka xilliga KMG ah iyo soo xulista xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia
Comments are closed.