CIIDAMADA DOWLADDA OO HOWLGAL DHALINYARO LAGU SOO QAB QABTAY KA SAMEEYAY WANLAWEYN

xeydar October 7, 2012 Comments Off
CIIDAMADA DOWLADDA OO HOWLGAL DHALINYARO LAGU SOO QAB QABTAY KA SAMEEYAY  WANLAWEYN

Wararka ka imaanaya Degmada Wanlaweyn ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada dowladda Soomaaliya halkaasi ay ka sameeyeen howlgal ballaaran.

Howlgalka oo ahaa mid sida la sheegay lagu xaqiijinaaye ammaanka Degmada ayaa waxaa lasoo warinayaa in ciidamada dowladda ay ka sameynayaan xaafadaha ay ka kooban tahay Degmadaasi.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegaya in indhihiisa uu ku arkay ciidamo badan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya kuwaasi oo ammaanka si aad ah usugaya.

Wuxuu sheegay inay jiraan dhalinyaro ciidamada dowladda Soomaaliya ay kusoo qab qabteen howlgalka ay wadaan kuwaasi oo lagu tuhmaayo inayxiriir la leeyihiin Ururka Al-shabaab.

Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose ee dowladda Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa wuxuu sheegay inay xaqiijiyeen gacan ku haynta Magaalada Wanlaweyn.

Wuxuu sheegay in hada ciidamada dowladda ay wadaan howlgal sida uu sheegay ammaanka lagu xaqiijinaayo.

Saaka ayaa ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay gudah ugaleen waxaana hada Magaalaadaasi si buuxda gacanta ugu haaya ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.