CIIDAMADA DOWLADDA OO LA WAREEGAY DEGMADA WANLAWEYN EE G/SHABEELAHA

xeydar October 7, 2012 Comments Off
CIIDAMADA DOWLADDA OO LA WAREEGAY DEGMADA WANLAWEYN EE G/SHABEELAHA

Wararka ka imaanaya Degmada Wanlaweyne ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Ururka Al-Shabaab ay halkaasi isaga baxeen, iyadoo aysan jirin halkaasi wax dagaal ah oo ka dhacay.
Wararka ayaa sheegaya in ka bixitaankaan uu ka dambeeyay kadib markii ciidamada dowlada Soomaaliya ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ay ka sameeyeen deegaano ku dhow dhow Degmadaasi.

Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose ee dowladda Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur Siidii oo qadka telfoonka kula hadlay Jiinwabi.net Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Dowladda ay hada ku sugan yihiin Wanlaweyn.

Wuxuu sheegay in hada ciidamada dowlada Soomaaliya ay usii jiheesteen dhanka Degmada Buurhakabo oo ay shabaab joogaan.

Al-Shabaab ayaa horay waxaa looga saaray deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobalka Shabeelaha Hoose kuwaasi oo ay haatan gacanta ku haayaan ciidanka dowlada Soomaaliya.

Ilaa iyo iminka ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan arintaan laakiin horay ayay yu sheegeen in magaalooyinka lagala wareegay ay kula dagaalami doonaan ciidanka dowlada.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.