Guddi maamula magaalada Kismaayo oo lagu dhawaaqay iyo kulan xasaasi ah oo dhexmaray saraakiisha ciidamada Huwanta iyo…

xeydar October 7, 2012 Comments Off
Guddi maamula magaalada Kismaayo oo lagu dhawaaqay iyo kulan xasaasi ah oo dhexmaray saraakiisha ciidamada Huwanta iyo…

Wararka naga soo garaya magaalada Kismaayo ayaa waxay shegayaan in shalay magaladaasi uu ku ka dhacay shir ay yeesheen saraakiisha hogaamisa ciidamada huwanta ah ee Kismaayo galay iyo Odayaasha beelaha Kismaayo, waxaana la sheegay in kulankaasi looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin amni ku soo dabaalidda Kismaayo iyo sidii magaaladaasi looga sameyn lahaa maamul KMG ah.

“Shirka waxaa uu ahaa mid looga hadlay labo arrimood oo kala ah in Odayaasha beelaha Kismaayo dega lagu wargeliyo in ciidamada huwanta ah aysan beel gooni ah dulaan ku aheyn isla markaasna aysan wax yeelayn, qodobka labaad ee looga hadlay shirka ayaa waxa uu ahaa sidii magaalada Kismaayo loogu sameyn laha maamul loogu yeeray dhiigjoojin ama KMG” ayuu yiri mid ka mid ah Odayaashii ka qeybgalay shirka oo diiday in magaciisa la xuso, wuxuuna intaasi ku daray in shirkaasi ay ka qeybgaleen Sheekh Axmed Maxamed Islaam {Axmed Madoobe iyo Col Yasiin Raader, waxaana sidoo kale goobta ku sugna saraakil Kenyaan ah iyo kuwa Soomaali ah.

Saraakiishii ka qeybgashay kulanka ayaa waxay goobta ka jeediyeen khubado kala duwan oo ay uga hadlayeen muhiimadda ay leedahay in maamul kmg ah lo dhiso magaalada Kismaayo iyo in la iska kaashado amaan ku soo dabaalidda magaalada Kismaayo, waxayna warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in labada dhinac ay isku afgarteen in maamul kmg ah loo sameeyo magaalada, waxaana la isku raacay in maamulkaasi uu ka koobnaado 10-xubnood oo keliya, ka dibna la sameeyo maamul kale oo loo dhanyahay.

Dhinacyadan ayaa sidoo kale ku heshiiyay in xubnaha 10-ka ah ay ka kala yimaadaan saraakiisha hogaamineysa ciidamada huwanta ee qabsaday magaalada Kismaayo iyo dadka deegaanka, iyadoo aan la xusin howsha ay qabanayaan 10-ka xubnood marka laga soo tago waxa lagu sheegay in shaqadoodu ay tahay dhiig-joojin oo keliya, waxaana xusid mudan in shirkan uu ku soo aadaya iyadoo dowladda Soomaaliya ay diiday in cid aan iyada aheyn ay maamul u sameyso, sidoo kalena shir kale oo looga hadlayo arrimaha Kismaayo iyo maamul u sameynteeda uu ka socday muddooyinkii dambe magaalada Nairobi.

 

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.