Raysul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Sabti ah u magacaabay Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) raysul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa wada-tashi muddo dheer qaatay kaddib go’aansaday inuu raysul wasaare u magacaabo Cabdi Faarax Shirdoon oo ah dhaqaaleyahan ka soo jeeda gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
Cabdiqaadir Faarax Shir-doon wuxuu sanadkii 1958 ku dhashay magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud.
Wuxuu sanadkii 1983 ka qalin-jebiyay kuliyadda dhaqaalaha ee jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed ee Gaheyr oo uu ka qaatay shahaadada Bachelor-ka.
Sanadihii 1983 ilaa 1985 wuxuu ka shaqeeyay wasaaradihii maaliyadda iyo beeraha oo uu ka ahaa dhaqaaleyahan, isagoo wixii xilligaasi ka dambeeyay u wareegay dhinaca ganacsiga gaarka loo leeyahay.
Wuxuu kaloo la shaqeeyay shirkad lagu magacaabi jiray Breton Woods Institutions, isagoo tan iyo 1991 si gaar ah u sameystay shirkadda Shirdon International Ltd oo uu ka ahaa aasaase iyo maamule.
Kaddib burburkii dalka, Saacid wuxuu degay magaalada Nairobi oo uu ka aasaasay shirkadda Shitraco Ltd & Shaam.
Saacid wuxuu 20-kii sano ee la soo dhaafay u dhuul-daloolay siyaasadda Soomaaliya, waxaana bishii March 2012 loo doortay guddoomiyihii ugu horreeyay ee Golaha Rajo (Rajo Forum).
Saacid wuxuu leeyahay afar carruur ah oo ay u dhashay Caasho Xaaji Cilmi oo ah xildhibaanad si weyn looga garanayo Soomaaliya oo in badan ka soo shaqeysay arrimaha horumarinta bulshada.
Magacaabiddiisa ayaa timid 25 maalmood kaddib markii Xasan Sheekh Maxamuud loo dhaariyay xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya kaddib markii uu doorasho kaga guuleystay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.
Munaasabadda lagu magacaabay raysul wasaaraha cusub oo ka dhacday xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa waxaa goob-joog ka ahaa xildhibaanno, mas’uuliyiin iyo suxufiyiin badan.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.