Sheekh Shariif oo Muqdisho dib ugu laabtay warbixinna jeediyay

jiinka August 15, 2012 Comments Off

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta Muqdisho dib ugu laabtay kadib markii uu ka soo qeyb galay shirka waddamada Islaamka oo ka dhacay dalka boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Sheekh Shariif oo u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya oo uu mar kale isu soo sharaxaya ayaa waxaa soo dhaweeyay dadweyne aad u fara badan oo sita calanka Soomaaliya iyo sawirkiisa.

Sidoo kale waxaa madaxweynaha garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda KMG kuwaasoo ay ka mid yihiin oo ay ku jiraan Wasiirka Difaaca Xuseen Carab Ciise, Wasiirka Shidaalka C/qaadir Dhicisow, wasiirka Maaliyadda C/naasir Maxamed Cabdulle iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” iyo sidoo kale Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida, Taliyaha Ciidamada Amisom iyo shacab kale ayaa garoonka ku soo dhaweeyay madaxweynaha.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa socod lug ah ku soo maray waddada Maka Al-Mukarrama oo uu ku gacan qaaday boqollaal dadweyne ah oo hareeraha waddada isugu soo baxay, kuwaas oo ku dhawaaqayay hal ku dhigyo ay madxweynaha ku taageerayaan doorashada oo uu dib isugu soo taagay.
Shir jaraa’id oo uu madaxweynuhu saxaafadda ugu qabtay madaxtooyada ayuu ku sheegay in shirka dalalka Islaamka looga hadlay dhibaatooyinka ka jira dalalka Islaamka sida Suuriya, Burma, Sudan, Maali iyo Soomaaliya. Wuxuuna sheegay in la isku raacay in laga taageero sidii ay dhibaatada uga bixi lahaayeen.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed wuxuu ka hadlay xaaladda uu dalku marayo, wuxuuna rajo ka muujiyay in 20-ka Agoosto ka hor ay diyaar noqdaan xildhibaanada Baarlamaanka si loo qabto doorashada madaxda. Sidoo kale wuxuu ka hadlay cabashooyinka ka soo yeeray guddiga xulitaanka Baarlamaanka iyo hanjabaad la sheegay in loo jeediyay.

Madaxweyne Shariif oo wax laga weydiiyay degmooyinka cusub ee gobollada dalka qaarkood lagu kordhiyay iyo kaalinta ay golaha wasiiradu ku leeyihiin sharci ahaan, wuxuuna sheegay in ay soo jeedinta leedahay wasaaradda arrimaha gudaha, marka la hubiyo macluumaadka ay soo gudbisay kaddibna la magacaabo. Wuxuu sidoo kale sheegay in golaha wasiiradu aysan saameyn laheyn mar haddii uu is sharraxay Ra’isal wasaaraha.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia

Comments are closed.