Afhayeenka ururkan Raaskambooni:- Madaxweynaha Soomaaliya xaq uma laha inuu maamul u sameeyo Kismaayo

xeydar October 6, 2012 Comments Off
Afhayeenka ururkan Raaskambooni:- Madaxweynaha Soomaaliya xaq uma laha inuu maamul u sameeyo Kismaayo

Ururka Raaskambooni oo ka mid ah xoogaggii gacanta ku siiyey ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaaliya qabsashadii magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka  Jubbada hoose ayaa sheegay in maamul u sameynta magaalada Kismaayo aysan aheyn mid laga sugayo dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Afhayeenka ururkan Raaskambooni C/naasir Seeraar oo wareys siinay BBC-da isagoo ku sugan magaalada Kismaayo ayuu sheegay inay sameynayaan Guddi si KMG ah u maamula magaalada inta looga sameynayo maamul guud, isagoo ku gacan-sayrey hadal uu ku sheegay Madaxweynaha Soomaaliya oo ahaa in dowladdu ay Kismaayo u sameyn doonto maamul.
“Madaxweynaha Soomaaliya waxaan jeclaan lahaa inuu akhriyo dastuurka, kuma qorna in Madaxweynuhu uu maamul u sameeyo gobolada dalka, sidaas daradeed waxaan ugu baaqi lahaa inuu dastuurka dib ugu laabto” ayuu yiri C/naasir Seeraar.
Afhayeenku ururka Raaskambooni wuxuu hadalkiisa ku daray in marnaba aysan sugeyn Kismaayo in maamul looga keeno Xamar, dadka reer Kismaayana ay xaq u leeyihiin inay iyagu sameystaan maamulkii hoggaamin lahaa, wuxuuna yiri “Waxaa jira shir ka socda magaalada Nairobi oo maamul loo sameynayo Jubbooyinka kuwaas oo ay ka qeybgalayaan dalalka IGAD, innaguna waan la soconaa shirkaasi” ayuu yiri afhayeenka ururka Raaskambooni oo sidoo kale xusay in hadal ka soo baxay wasiirka arrimaha gudaha oo ahaa in shirka Nairobi ka socda aysan dowladdu la socon.
Sidoo kale afhayeenku wuxuu sheegay in Guddiga maamulaya magaalada Kismaayo ay ka koobnaan doonaan ciidamada dowladda Soomaalia iyo Ururka Raaskambooni, isagoo sheegay in Guddigaasi ay howsha wadayaan inta maamul loo dhanyahay la soo sameynayo, wuxuuna yiri “Urur siyaasi ah oo aan ka tirsaneyn dowladda Soomaaliya, lehna maamul sare iyo saraakiil ciidan sida Ahlu Sunna Waljamaaca oo kale, balse waxaan gacan-saar la leenahay dowladda Soomaaliya iyo dalalka deriska ah”.
Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa ururka Raaskambooni iyo ciidamada Kenya ee AMISOM ka tirsan ay dhowr maalmood oo keliya gacanta ku hayaan magaalada dekedda leh ee Kismaayo, wuxuuna warkani ku soo aadayaa iyadoo Qaramada Midoobay ay sheegtay in dowladda cid aan aheyn aysan Kismaayo maamul u sameyn doonin magaalada Kismaayo.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.